Liverpool Oo Barbarro Niyad-jab Ah La Gashay Brighton, Xilli Uu Mac Allister Hadiyad Siiyey Kooxdiisii Hore


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xajisan weyday guul gacanteeda ku jirtay, waxaanay ogolaatay in Brighton ay dhibcaha ku qaybsadaan garoonka Amex Stadium oo ay marti ku ahaayeen, taas oo gool waqti dambe ah oo ku yimid qalad difaac ka dhalisay Reds, kulan kusoo dhamaaday 2-2.

Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa mar kale lagala hormaray gool bilowgii ciyaarta, kaddib qalad ay sameeyeen difaacu, hase yeeshee waxa laba gool u keenay Mohamed Salah ka hor intii aan dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan yihiin laga dhalin goolka barbarraha.

Ciyaartan oo laba jeer ay Liverpool birta garaacday, isla markaana fursado badan ay iska khasaariyeen xiddigaha Jurgen Klopp ayaa waxa ay Reds iska lumisay fursad ay ku xoogsan lahayd booska kaalinta labaad oo ay Tottenham hal dhibic ah u jirsan lahaayeen.

Daqiiqaddii 20aad ayaa kubbad uu Aingra ka boobay Mac Allister, waxa uu ku toogtay goolka oo uu ka maqnaa Alisson oo markii hore qayb kasoo qaatay dhismaha kubadda, waxaanay kubaddu iska gashay goolka oo madhan.

Goolkan ayaa ahaa hadiyad uu bixiyey Alexis Mac Allister oo ay ahayd ciyaartii koowaad ee uu ka hor tegay kooxdiisii hore, kaas oo markii ay ciyaartu dhamaatayna ay taageereyaasha Brighton iyo tababare De Zerbi si geesinimo leh ugu sii sagootiyeen Amex Stadium, iyaga oo illoobay inuu yahay ciyaartoy kasoo horjeeda.

Mohamed Salah ayaa Liverpool kusoo celiyey ciyaarta dhamaadka qaybta hore oo ay shan daqiiqadood ka dhiman tahay, waxaanu dhamaystiray kubbad qurux badan oo ay kasoo wada shaqeeyeen Nunez iyo Diaz, waxaana uu natiijada ciyaarta ka dhigay 1-1.

Saxeexa cusub ee Dominik Szoboszlai ayaa ku qasbay Brighton in ay samayso qalad daqiiqaddii koowaad ee waqtiga dheeriga ah ee lagu daray ciyaarta, kaddib markii uu kubbad ka boobay difaaca oo qalad ku galay, waxaana marka hore kubaddan qalday goolhayaha Brighton oo baas aan fiicnayn bixiyey.

Mohamed Salah ayaa gool u beddelay rikoodhahaas, waxaanu toogtay dhinaca midig ee goolhayaha oo awoodi waayey in uu gaadho kubadda, inkasta oo uu raacay.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Brighton ayaa qaybta dambe dedaal badan samaysay, waxaana ay ku doodday in rikoodhe loo dhigo daqiiqaddii 69aad oo kubbad uu Mitomo lasoo jiidhay difaacyahannadu ay gacan kaga dhacday Virgil van Dijk.

Garsooraha oo VAR kasoo hubiyey ayaa diiday rikoodhahaas oo la mid ahaa rikoodhihii loo dhigay Napoli ciyaartii Champions League ee Real Madrid ee ay kubaddu gacanta kaga dhacday Nacho.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 12 daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Brighton keentay goolka barbarraha oo ahaa laad xor ah oo dhinaca bidix laga soo qaaday oo difaacyahannada Reds uu ka daba-baxay Lewis Dank oo lugta midig ku dhamaystiray.

Brighton ayaa u dhowaatay in ay goolka guusha dhaliso waqti ay ciyaartu sii dhamaanaysay oo uu Joao Pedro lumiyey kubbad goolka hortiisa loo dhigay oo ka dallacantay.

Reds ayaa waxay labadii qaybood ee ciyaarta fursado dahabi ahaa ka khasaariyey Darwin Nunez iyo Gravenberch, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay haysato 17 dhibcood oo ay ka urursatay siddeed ciyaarood oo ay dheeshay, halka Brighton oo ciyaartii hore si xun looga badiyey ay yeelatay 16 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*