77 Gool Iyo 42 Kaadh: Ceebta Vinicius Junior Oo Madax-xanuun Ku Riday Real Madrid


Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa noqday hadal-haynta ugu weyn ee kubadda cagta Spain ee usbuucan, kaddib markii uu laba gool ka dhaliyey Osasuna ciyaartii shalay ay guul 4-2 ah kusoo gaadheen garoonka El Sadar.

Laba arrimood oo is-barkan ayaa lagu hadal hayaa laacibkan, waxaanay midda hore tahay guusha uu ku hoggaamiyey Real Madrid oo keentay inay 10 dhibcood ku qabtaan hoggaanka horyaalka, halka arrinta labaadna ay tahay akhlaaqaddiisa xun iyo inuu mar kale qaatay kaadh digniin ah.

Vinicius Junior ayaa la murmay garsooraha waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaanay taasi keentay in la siiyo kaadh huruud ah oo sabab u noqonaya in laga ganaaxyo ciyaarta adag ee horyaalka LaLiga ee Athletic Bilbao ee kaddib kulamada caalamiga ah.

Vinicius Junior, waxa uu kooxdiisa Real Madrid u dhaliyey 77 gool, laakiin kala-badh goolashiisa waxa maraya tirada kaadhadhka uu qaatay oo ah 42 kaadh oo digniin ah.

45 boqolkiiba oo ah 19 kaadh, waxa uu Vinicius Junior ku qaatay garsooreyaasha oo uu la murmay, ciyaartooyo ay is-qabsadeen iyo waqti lumin.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa waxa ay khaati ka taagan tahay akhlaaq-xumada laacibkan oo buuq ku abuuray kooxda, iyadoo taageereyaasha naadiyada kalena ay cunsuriyeynayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*