Labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxa si weyn loo hadal-hayey xiddiga reer England ee Declan Rice oo la sheegay, in uu isku xaaray (shubmay) isaga oo garoonka ku jira intii ay socotay ciyaartii Champions League ee ay FC Porto kaga adkaadeen rikoodheyaasha, kaddib markii ay isku-darka labadii lugood ku kala baxeen 1-1.
David Raya ayaa noqday geesiga Arsenal usoo saaray wareegga siddeedda, isaga oo qabtay laba rikoodhe, waxaanay Gunners u tahay markii koowaad ee ay halkan soo gaadho muddo 14 sannadood ah.
Guusha Arsenal kaddib, waxa baraha bulshada qabsaday sawirka xiddiga reer England ee Declan Rice oo nigiska (short) uu xidhnaa ay dabadu madoow dahay, taas oo u muuqanaysay sidii uu saxarooday oo kale.
Halyeyga reer England ee Gary Lineker ayaa ku tilmaamay sawirkaas markii uu arkay, ‘shil ku dhacay Rice’, halka xiddigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal iyo Brighton ee Steve Sidwell laga maqlay warbaahinta isaga oo u sheegaya Declan Rice inuu musqusha tago oo uu is-nadiifiyo.
Si kastaba ha ahaatee, Declan Rice ayaa sheegay in uu ku fadhiistay dhoobo (dhiiqo) oo ay martay, laakiin aanay ahayn waxa ay dadku ku sheekaynayaan.
Be the first to comment