Lacagta Ay Chelsea Helayso Haddii Ay Bayern Munich Iibiso Jamal Musiala Oo La Shaaciyey


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa fadhigeeda loogu keeni doonaa lacag tobannaan milyan oo Gini ah haddii ay kooxda reer Germany ee Bayern Munich iibiso xiddigeeda Jamal Musiala oo la sheegay inay doonayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah.

Manchester City iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn u doonaya Jamal Musiala oo iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo Bayern Munich, waxaana sidoo kale liiska tartameyaasha ku jirta kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Qiimaha laacibkan ayaa lagu sheegay illaa £80 milyan oo Gini oo ay Bayern Munich dalban doonto inay bixiyaan kooxaha doonaya haddii uu ku adkaysto in aanu kordhinayn qandaraaskiisa, waxaana shan meeloodow hal meel heli doonta Chelsea oo iska 20% iska leh xuquuqda laacibkan.

21 jirkan ayaa Bayern Munich ay sannadkii 2019 kaga soo iibsatay Chelsea oo uu kulliyaddeeda ku jiray lacag dhan £170,000 Gini oo kaliya, waxaana heshiiskii ay waqtiaas labada kooxood wada galeen uu dhigayey in Chelsea ay hesho 20% lacagta ay Bayern Munich kusii iibiso laacibkan, waaba haddii ay iibiso eh.

Heshiiska kuma aanu jirin qodob Chelsea u ogolaanaya inay dib usoo iibsan karto, waana halka ay ka nafistay Bayern Munich ee ay kaliya u doonayso inay sii haysato laacibkan.

Warbaahinta ayaa sheegaysa, in marka la gaadho xagaaga ay Bayern Munich ka fiirsan doonto in ay iibiso Jamal Musiala oo ay qiimihiisa goyn doonto, waxaase la qiyaasayaa inta u dhaxaysa £80 milyan oo Gini illaa £100 milyan oo Gini, taas oo Chelsea ay heli doonto £20 milyan oo ka mid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*