Xabi Alonso Oo Taariikh Aan Hore Loo Arag Ka Sameeyey Waddanka Jarmalka


Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa taariikh aan abid ka dhicin horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga sameeyey xilli-ciyaareedkan, waxaana uu isku qoray buugaagta guulaha lagu diiwaangeliyo ee dalkaas.

Xabi Alonso oo lala xidhiidhinayo Liverpool oo uu hore ugu ciyaari jiray, kana mid ahaa xiddigihii sannadkii 2005 u qaaday koobka Champions League, ayaa waxa laga sheekaynayaa taariikhaha uu sameeyey xilli-ciyaareedkan.

Inkasta oo Liverpool aanay hubaal u haysanin inay heli doonto Xabi Alonso, haddana waxa ay si dhow ula socdaan iyado uu kooxdiisa ku hagayo guulo.

Leverkusen ayaa waxa ay ku hamiyeysaa inay ku guuleysato saddex koob xilli-ciyaareedkan, waxaanay mar horeba semi-finalka u gudbeen koobka DFB Pokal ama German Cup, halka tartanka Europa League ay lugta labaad ee wareegga 16ka ciyaari doonaan Khamiista.

Waxa intaas u dheer, in horyaalka Bundesliga ay ku hoggaaminayaan toban dhibcood oo nadiif ah oo ay ka horreeyaan Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jirta, iyadoo aanay cidina filaynin in ay dhibco intaas le’eg hoggaanka ku hayn karaan waqtigan.

Tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedka, Bayer Leverkusen lagama badinin, waxaana haddii ay gaadhaan afar dhamaadka Europa League, ay noqon doonaan kooxdii ugu horreysay ee taariikhda Jarmalka tagta kulamada ugu dambeeya ee German Cup iyo Europa League iyagoo aan dhinacooda dhulka lasoo dhigin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*