Kylian Mbappe Oo Dacwad Ku Oogay Nin Saamayn Badan Leh Oo Ugu Magac-daray KEBAB


Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa sharciga la tiigsanaya nin caan ah oo bulshada dhaxdeeda saamayn ku leh oo magaciisa u bixiyey ‘KEBAB’ uu sameeyey, si uu suuq ugu sameeyo.

Mohamed Henni ayaa saxaafadda u sheegay in ay lasoo xidhiidheen xeer ilaalintu oo ay u sheegeen in ay hayaan dacwad isaga ka dhan ah oo ay soo gudbiyeen qareennada Kylian Mbappe.

Kebab-ka uu sameeyey Mohamed Henni ayaa waxa uu dusha sare kaga qoray magaca Kylian Mbappe, waxaanay taasi keentay in Kylian Mbappe uu ka cadhodo maadaama uu ninkan oo caan ku ah makhaayadaha sameeya Kebabka uu taageere u yahay kooxda Marseille.

Henni ayaa kebabkan waxa uu ku sheegay ‘Bakery Bread ama madaxa Mbappe’, laakiin xiddigan reer France ma aha shaqsigii ugu horreeyey ee uu magaciisa u bixiyo cunto uu sameeyo, waxaase ka horreeyey laacibkii hore ee xulka France ee Dimitri Payet, kaas oo isaguna qaab maad ah uga jawaabay.

Si kastaba, Kylian Mbappe uma aanu arag wax riwaayad ah, sababtoo ah wuxuuse u arkaa in magaciisa loo adeegsanayo ganacsi iy suuq-geyn iyadoon ogolaansho laga haysanin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*