Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dalabyo hordhigtay saddex ka mid ah ciyaartoydeeda oo uu tababare Carlo Ancelotti doonayo inay sii joogaan ugu yaraan min hal sano oo kale, halka ciyaartoy afraadna ay sugayaan go’aankiisa iyo inuu qabsado tirada sannadaha uu ciyaaraha kusii jirayo.
Los Blancos ayaa waxa ay halis ugu jirtaa inay lumiso afar ciyaartoy oo min afar bilood ay ka hadhsan yihiin waqtiga ay dhacayaan qandaraasyadoodu, waana Luka Modric, Toni Kroos, Nacho Fernandez iyo Lucas Vazquez.
Sida uu qoray wargeyska Marca, saddexda ciyaartoy ee Luka Modric, Nacho iyo Lucas Vazquez ayaa dalabyo ka helay kooxo ka dhisan waddanka Sucuudiga, laakiin Real Madrid ayaa waxa ay qaadatay go’aan ah inay ciyaartoydan u bandhigto qandaraasyo cusub.
Wargeyska Marca ayaa waxa uu intaa ku daray, in Real Madrid ay si toos ah ula hadashay saddexdan ciyaartoy oo ay u sheegtay inay saxeexaan heshiisyo cusub oo min sannad ah.
Luka Modric ayaa ah ciyaartoyga loo badinayo in aanu ogolaan doonin heshiiska cusub ee Real Madrid u bandhigtay, sababtoo ah waxa uu haddaba saluugsan yahay in uu lumiyey booskiisii jootada ahaa oo uu kursiga kaydka u dhacay.
Waxa fursaddiisa sii dili doona heshiiska la sheegay inay Real Madrid la gaadhay Kylian Mbappe oo waliba lambarkiisa looga saari doono.
Be the first to comment