Tobanka ciyaartoy ee ugu fiicnaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kulamadii usbuuca 28aad ee la dheelay toddobaadkan ayaa la shaaciyey, waana kuwii kooxahooda ku hoggaamiyey guulaha iyadoo aanay jirin laba ciyaartoy oo isku koox ah oo liiskan kusoo baxay.
Natiijooyin waaweyn ayaa horyaalka Premier League laga diiwaangeliyey usbuucan, waxaana si dhab ah isku beddelay hoggaanka sare oo ay la wareegtay Arsenal, kaddib markii ay barbarro ku dhamaysteen Liverpool iyo Manchester City ciyaar la isku rafaaday oo fursad ay ku heshay Gunners.
Qiimayn lagu sameeyey ciyaartoyda kulamadii 28aad ee horyaalka Premier League, ayaa waxa kaalinta koowaad ku galay kabtanka Tottenham ee Heung-min Son oo wacdaro ka dhigay ciyaartii ay kooxdiisu ku karbaashtay Aston Villa oo ay kusoo yareeyeen farqiga dhibcaha ay Villa kaga hayso kaalinta afraad.
Waxa kaalinta labaad ku jira xiddiga Chelsea ee Cole Palmer oo bandhig cajiib ahaa ka sameeyey ciyaartii Newcastle United oo uu gool dhaliyey mid kalena caawiye ka noqday.
Waa kuwan tobanka ciyaartoy ee ugu fiicnaa Premier League toddobaadkan
10. David Datro Fofana (Burnley)
9. Virgil van Dijk (Liverpool)
8. Brennan Johnson (Tottenham)
7. Alejandro Garnacho (Man Utd)
6. Nicolas Jackson (Chelsea)
5. Declan Rice (Arsenal)
4. Wataru Endo (Liverpool)
3. Ben White (Arsenal)
2. Cole Palmer (Chelsea)
1. Son Heung-min (Tottenham)
Be the first to comment