Wixii Uu Erik ten Hag U Sheegay Scott McTominay Intii Aanu Soo Galin Garoonka Oo La Shaaciyey


Kaddib guushii cajiibka ahayd ee uu gaadhsiiyey Manchester United, Scott McTominay ayaa daboolka ka qaaday tilmaamihii uu siiyey tababare Erik ten Hag waqtigii uu soo gelayey garoonka, kuwaas oo sabab u noqday in uu dhaliyo laba gool oo kooxdiisu ay gaadho guul soo laabasho waqti dambe ahayd.

Red Devils ayaa u muuqanaysay inay is-dhiibtay oo guul-darradii saddexaad oo xidhiidh ah siddeed maalmood gudahood loogu xambaarinayo garoonkeeda Old Trafford, laakiin Scott McTominay ayaa beddel kusoo galay dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaanu dhaliyey laba gool oo sababay in ciyaartu ku dhamaato 2-1.

Scott McTominay oo xagaagii u dhowaaday in uu ka tago kooxda uu illaa carruunimadiisii joogay ee Manchester United ayaa kaddib ciyaarta waxa uu la hadlay saxaafadda, waxaana uu soo bandhigay wixii uu Ten Hag u sheegay.

“Garoonka qaylo ayaa ka socotay, taageereyaashuna way qaylinayeen. Si fiican uma wada maqli karayn hadalkiisa laakiin waxa hadalladii uu igu yidhi ka mid ahaa: “Gal ciyaarta oo goolal dhali.” Aniguna waan sameeyey.

“Waxa laga yaabaa in ay noqoto middii iigu saamaynta badnaa ee aan ugu jeclaa kubadda cagta. Laba gool oo waqtiga dhimashada ah waxay ahaayeen wax cajiib ah, waanan ku faraxsanahay in aan awooday in aan muujiyo waxa aan samayn karayo.”

Scott McTominay ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in natiijada ciyaartan ay culayska ka fudaydin doonto kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Haa, si weyn ayay culayska nooga dejin doontaa. Qof walba wuu ogahay xaaladda adag ee aanu ku jirnay, laakiin waxa aanu haysanaa koox dagaalyahanno ah oo doonaya inay guulo keenaan illaa dhamaadka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*