CAJIIB: Jose Mourinho Oo Durba Helay Shaqo Cusub Ka Hor Inta Aan Laga Caydhin Roma


Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa durba helay shaqo cusub, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdiisa AS Roma ay shaqada ka caydhinayso toddobaadkan.

Jose Mourinho ayaa ahaa tababaraha Roma tan iyo sannadkii 2021 oo uu beddelay Paulo Fonseca, waxaana uu kooxda dib ugu soo celiyey dariiqa guulaha isaga oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad u qaaday UEFA Europa Conference League, halka xilli-ciyaareedkiisii labaadna uu keenay finalka Europa League oo ay koobka kaga guuleysatay Sevilla.

Xilli-ciyaareedkan ayuu Jose Mourinho si xun ku bilowday, waxaanay kaalinta 13aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta horyaalka Serie A, taas oo keentay in ay soo baxaan wararka sheegaya in kooxdu ay shaqada ka eryayso.

Wargeyska Correiere dello Sport ayaa kusoo warramaya in Jose Mourinho la eryi doono haddii ay kooxdiisu guul ka keeni weydo ciyaarta Axadda ee Cagliari, taas oo keenaysa in aanu dhamaysanin qandaraaskiisa oo ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Di Marzio oo ka tirsan wargeyska Football Italia, Jose Mourinho ayaa durba shaqo cusub ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga oo ay koox weyn oo aan la magacaabin ay doonayso.

Xagaagii ayaa waxa uu Jose Mourinho ku adkaystay in aanu ka tegaynin Roma inkasta oo dalab lacag badan xambaarsan uu ka helay naadiyada Sucuudiga oo qaatay ciyaartooyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Neymar, Roberto Firmino, Riyad Mahrez iyo Jordan Henderson.

Waxa kale oo halkaas jooga Steven Gerrard oo ah tababaraha kooxda Al Ettifaq, halka tababarihii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini uu noqday tababaraha xulka Sucuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*