SADDEXDII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Man United & Brentford


Super Scott McTominay ayaa laba gool oo uu dhaliyey daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartii Brentford ay Manchester United 2-1 kaga adkaatay, waxa uu kooxdiisa ku siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah.

Kooxda tababare Erik ten Hag ayaa 90kii daqiiqadood ee ciyaarta ku dhamaysatay iyadoo lagu hoggaaminayo 1-0, waxaana qaladka goolkaas sababteeda la saaray goolhaye Andre Onana oo darbad uu Mathias Jensen soo tuuray oo hortiisa maraysay awoodi waayey in uu joojiyo.

McTominay oo beddel kusoo talay daqiiqaddii 87aad oo beddelay Sofyan Amrabat ayaa go’aamiyey saddexda dhibcood ee Man United, kaddib markii uu dhaliyey labada gool daqiiqadihii 93aad iyo 97aad.

SADDEXDII Rikoodh ee la diiwaangeliyey

  • Manchester United ayaa gool lagala hormaray ciyaartii afraad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah ee ay ku ciyaarto Old Trafford, waxaanay ahayd wax aan hore ugu soo dhicin kooxda.
  • Goolkii Jensen ayaa noqday midkii siddeedaad ee Premier League ee uu dhaliyo, balse waxa cajiib ahayd in uu yahay goolkiisii koowaad ee uu bannaanka ku dhaliyo, iyadoo toddobada kale uu garoonka kooxdiisa ku dhaliyey.
  • Brentford ayaa ku guul-darraysatay dhamaadkii in ay soo afjarto rikoodhka 86ka sannadood soo taagnaa ee ah in aanay Manchester United kaga badinin Old Trafford. Markii ugu dambaysay ee ay garoonkan kaga badiyaan United waxay ahayd xilli-ciyaareedkii 1936-37.

Xiddigii garoonka

Scott McTominay ayaa saddex daqiiqadood oo waqtiga caadiga ah ee ka hadhsanaa ciyaarta iyo toddoba daqiiqadood oo lagu daray ku noqday xiddiga garoonka.

Toban daqiiqadood oo uu ku jiray garoonka, ayaa uu ku dhaliyey laba gool, kooxdiisana ku siiyey libin ay aad ugu baahnaayeen, waxaana uu sidaas ku noqday xiddiga garoonka.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Man United: Onana 5, Dalot 7, Evans 7, Maguire 6, Lindelof 6, Amrabat 5, Casemiro 4, Mount 4, Fernandes 6, Rashford 4, Hojlund 6.

Beddelka: Eriksen 5, Garnacho 6, Antony 5, Martial 6, McTominay 9.

Brentford: Strakosha 6, Roerslev 6, Ajer 6, Collins 6, Pinnock 7, Hickey 6, Jensen 6, Norgaard 7, Janelt 5, Mbeumo 6, Wissa 6.

Beddelka: Onyeka 6, Maupey 5, Ghoddos n/a.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*