Jude Bellingham Oo Lagu Riday Ganaax Dhabarka Ka Jabinaya Real Madrid


Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa lagu riday ganaax culus oo u diidaya inuu garoomada yimaaddo oo uu naadigiisa u dheelo labada usbuuc ee soo socda, kaddib kaadh casaan ah oo uu qaatay ciyaartii khilaafku hadheeyey ee Valencia ee Sabtidii.

Jude Bellingham oo dhaliyey gool ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ayaa iyadoo kubaddu goolka kusii socota uu garsoore Gil Manzano dhameeyey ciyaarta, waxaanay taasi keentay inay gadoodaan xiddigaha Real Madrid oo ay ku buuqaan garsooraha.

Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa uu garsooruhu siiyey kaadh casaan toos ah, laakiin Real Madrid ayaa la sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan casaankaas.

Guddida Anshaxa ee Spain ayaa la sheegay in ay go’aamiyeen in laba ciyaarood ay ku ganaaxaan Jude Bellingham kaddib markii ay dhagaysteen hadalladii uu Jude Bellingham ku yidhi Gil Manzano oo markii hore ay kooxdiisu ku dooday in kaliya uu u tilmaamayay inuu goolku dhashay.

Guddida anshaxaha ayaa la sheegay inay Real Madrid u sheegeen in falka uu sameeyey Jude Bellingham oo kusoo cararay garsooraha, markii dambena si kulul oo ka baxsan anshaxa ula hadlay Gil Manzano inuu ku mutaysanayo ganaaxa labada ciyaarood ah.

Arrintan ayaa ka dhigan, in Jude Bellingham oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan Real Madrid uu ka maqnaan doono kulamada Celta Vigo iyo Osasuna ee horyaalka LaLiga, balse kooxdiisa ayaa rajaynaysa in uu guuleysan karayo rafcaanka ay ka qaateen ganaaxan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*