Barcelona Oo Ogaatay Waqtiga Uu Pedri Kasoo Laabanayo Dhaawaca Ka Oysiiyey


Kooxda kubbadda cagta Barcelona ayaa war fiican ka heshay xiddiga usbuucan ka dhaawacmay ee Pedri González oo isaga oo ooyaya ka baxay garoonka ciyaartii Athletic Bilbao ee garoonka San Mames ee barbarraha goolal la’aanta ah ku dhamaatay.

Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay lix dhibcood ugu soo jirsan lahayd Real Madrid oo iyaduna horraantii toddobaadkan barbarro la gashay Valencia ciyaar uu muran ka dhashay, waxaana Xavi Hernandez iyo xiddigihiisu ay ogolaadeen in Los Blancos ay wali siddeed dhibcood ka horreyso iyagoo iyaguna barbarro goolal la’aan ah kala soo laabtay San Mames.

Pedri iyo Frenkie de Jong ayaa Barcelona kaga dhaawacmay ciyaartaas, waxaanay taasi uga sii dartay xaaladda ay ku jirto Barca oo uu waqtigu ku adag yahay.

Pedri González ayaase la sheegay in dhaawaciisu uu ka fudud yahay sidii markii hore la moodayey, waxaana uu dib ugu soo laaban doonaa garoomada kulanka Real Madrid ee El Clasico ee April 21 oo ay innaga xigto bil iyo badh.

Inkasta oo lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ee Napoli uu ka maqnaanayo Pedri González iyo illaa shan ciyaarood oo horyaalka Spain ee LaLiga ah.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa rajaynaysa in Frenkie de Jong uu dib ugu soo laaban doono badhtamaha bisha dambe ee April oo uu isaguna kasoo gaadhi doono ciyaarta Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*