Iska Illow England! Mason Greenwood Oo Looga Yeedhay Xulka Dalka Uu Asal Ahaanta Kasoo Jeedo


Mason Greenwood ayaa loo bandhigay inuu dib ugu soo laabto kubadda cagta caalamiga ah kaddib markii uu xirfaddiisa dib ugu dhisay Getafe oo uu amaah ku tegay xagaagii isaga oo ka cararay Manchester United oo muddo sannad iyo badh ah ka joojisay tababarka iyo inuu garoomadeeda yimaaddo, taas oo ka dambaysay eedaymo la xidhiidhay tacaddiyo uu kufsi ku jiro oo ay kusoo eedaysay gabadh ay saaxiibbo ahaayeen, balse ay maxkamaddu ku weyday.

Greenwood oo 26 ciyaarood oo uu u saftay Getafe u dhaliyey siddeed gool, ayaa hore hal kulan oo kaliya ugu ciyaaray xulka qaranka England, waxaanay ahayd ciyaar ay Septemer 2020 la dheeleen waddanka Iceland.

22 jirkan ayaa uu sharcigu u ogolaanayaa inuu u dheelo England iyo sidoo kale waddanka Jamaica ee uu aabbihii kasoo jeedo, waana halka hadda looga gacan haadinayo laacibkan.

Tababaraha xulka qaranka Jamaica ee Heimir Hallgrimsson ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in Mason Greenwood uu ka ogolaado inuu dalkiisa asalka ah u ciyaaro oo uu iska dhaafo inuu dib ugu laabto ciyaaraha qaranka Ingiriiska ee marka kaliya uu u saftay.

Dhinaca kale, tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaan wali wax go’aan ka gaadhin inuu dib ugu yeedho laacibkan waxaana sida la filayo aanu kusoo darsan doonin liiska xiddigihiisa tartanka qaramada Yurub ee bisha June.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*