DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Xabsiga Loo Taxaabayo Iyo Xukunka Dheer Ee Lagu Ridayo


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa lagu soo oogay dacwad sababaysa in jeelka loo taxaabo muddo shan sannadood ah, kaddib markii lagu eedeeyey inuu sameeyey musuqmaasuq iyo lunsi lacago cashuuro ah oo ku waajibay.

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu waajihi doonaa maxkamadda oo si toos ah ugu yeedhi doonta, sida lagu sheegay wa-rsaxaafadeed maanta ay soo-saartay xeer ilaalinta waddanka Spain.

Sannadihii 2014 iyo 2015 oo uu Carlo Ancelotti ahaa tababaraha Real Madrid ayaa uu la baxsaday lacag cashuur ah oo gaadhaysa €1 milyan oo Euro, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xeer ilaalinta oo intaa ku dartay inuu isticmaalay shirkado iyo xeelado kale si uu u qariyo dakhligiisa oo ay ugu suurtogasho inuu la baxsado cashuurta ku waajibtay.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in Carlo Ancelotti uu waajihi doono xadhig afar sannadood iyo sagaal bilood ah haddii lagu helo dembiga loo haysto.

Wargeyska El Pais ayaa sheegay, in Carlo Ancelotti uu si ulakac ah dakhliga kasoo gala xuquuqda sawirka iyo ilo kale uu ugu leexiyey xisaabaadkiisa meelo kale oo adduunyada ah, sida waddankiisa Talyaaniga, taasina tahay badheedh sharci-jabin ah oo ujeeddadeedu ahayd inuu meesha ka saaro cashuurta ku waajibtay ee Spain ay ka doonayso dakhligiisa maadaama uu lacagta ka dhax shaqaysto dalkaas.

Sannadkii 2014 waxa lacagta uu la baxsaday ee cashuurta ah ay ahayd €39,575 Euro halka sannadkii 2014 loo haysto inuu si xeeladaysan ula baxsaday €529,076 Euro. Waxa kale oo aanu bixinin €1,249,590 Euro oo sannadkii 2014 ahayd iyo €2,959,768 Euro oo sanadkii xigay ee 2015 ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*