DEG-DEG: Manchester United Oo Lagu Garaacay Xiddigii Ay Raadinaysay


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku hungowday xiddigii ay raadinaysay inay la saxeexato xagaaga soo socda ee Mathys Tel, kaas oo ay kooxda Bayern Munich ku qancisay inuu sii joogo Allianz Arena oo uu saxeexo heshiis cusub.

Xiddigan oo ay doonaysay Manchester United oo uu tababare Erik ten Hag si gaar ah ugu dedaalayey sidii uu ku keeni lahaa Old Trafford, ayaa waxa uu ogolaaday qandaraas cusub oo ay u bandhigtay Bayern Munich.

Wakiilka Mathys Tel oo lagu magacaabo Gadiri Camara ayaa ku sugan magaalada Munich ee waddanka Germany, waxaana saacadaha foodda innagu soo haya ay dhinacyadu saxeexi doonaan heshiis buuxa oo shan sannadood ah.

Toddobaadkii hore ayaa kulan muhiim ahaa oo ay dhinacyadu yeesheen, waxaanay isla meel dhigeen mushaharka, gunnada iyo tirada sannadaha uu Mathys Tel u saxeexayo Bayern Munich, taas oo meesha ka saartay damacii Manchester United kaga jiray laacibkan.

Heshiiska ayaan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda uu qalinka ku duugi doono Mathys Tel oo si weyn sare loogu qaadayo mushaharka uu ka qaato kooxdiisa Bayern Muncih.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*