Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Arbaco Ah


Manchester United ayaa indha-indheeyayaal u dirtay 22 jirka Bologna ee weerarka uga ciyaara Joshua Zirkzee kulankii Atalanta Ee Axadii. (Tuttosport )

Arsenal ayaa sidoo kale ku jirta tartanka saxiixa Zirkzee, kaasoo kagu qiimeynayo 80 milyan euro oo u dhiganta 68 milyan ginni. (Gazzetta dello Sport)

Manchester City ayaa qarka u saaran inay Liverpool ku garaacdo saxiixa 29 jirka reer Germany ee Bayern Munich Joshua Kimmich xagaagan. (Caught Offside)

Liverpool ayaa xiisaynaysa 23 jirka reer Portugal ee garabka uga ciyaara Wolves Pedro Neto laakiin waxa ay ka walaacsan yihiin rekoodhkiisa dhaawaca. (Insider Football)

Crystal Palace ayaa baadigoob ugu jirta daafac dhexe, iyadoo daafaca England Marc Guehi, 23, la filayo in lagu iibiyo xagaagan in ka badan 50 milyan ginni. (Telegraph)

Tababaraha Sporting Lisbon Ruben Amorim ayaa ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Barcelona si uu u bedelo Xavi dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo ay sidoo kale dooneyso Liverpool (Independent)

Bayern Munich ayaa xiisaynaysa 23 jirka garabka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong kaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karo inta u dhaxaysa 40m euros (£34.2m) iyo 45m euros (£38.5m). (Sky Sports Germany)

Newcastle ayaa wadahadalo kula jirta 25 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Lloyd Kelly. (Daily Mail)

Manchester United ayaa wadahadalo cusub la furtay 18 jirka khadka dhexe ee England ee Kobbie Mainoo si ay qandaraas cusub uga saxiixaan una kordhiyaan mushaharkiisa (Manchester Evening News)

Koox kasta oo doonaysa inay la wareegtay tababaraha Brighton Roberto de Zerbi xagaagan waa inay bixiyaan lacag magdhow ah oo gaareysa 12 milyan ginni. (Telegraph)

Barcelona waxa ay dhagaysan doontaa dalabyada u imaanaya 21 jirka reer Spain ee khadka dhexe Pedri xagaagan sababta oo ah waxa ay ka walaacsan tahay taariikhdiisa dhaawacyada (AS)

Hull City ayaa doonaysa in ay si joogto ah ula wareegto xiddiga garabka ka ciyaara ee Liverpool ee Fabio Carvalho, 21, haddii ay ku guulaysato inay u soo baxday Premier League.  (I Sport)

Manchester United ayaa xiisaynaysa in ay u magacawdo agaasimaha Southampton Jason Wilcox, agaasimahooda farsamada. (Telegram)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*