VIDEO: Kylian Mbappe Oo Goolkiisii Shabaqa Ku Duleeliyay Taasoo Ciyaarta Hakad Gelisay


Kylian Mabppe ayaa gool cajiib ah shabaqa ku duleeliyay kulankii ay PSG ka badisay Real Sociedad ee Champions League iyagoo u soo baxay wareega sideed dhamaadka.

Laacibka reer France ayaa goolasha furay isagoo gool awood badan ku garaacay goolhaye Alex Remiro.

Mbappe ayaa kubada ka helay Ousmane Dembele daqiiqadii 15aad, ka dib wuxuu orodkiisa xawaaraha sarre ku galay xerada ganaaxa, ka hor inta uusan kubada ka leexsanin daafaca Arsenal diirada u saaran Martin Zubimendi ka hor inta uusan darbo quwad leh shabaqa dhex dhigin.

Darbadiisa ayaa aheyd mid aad u awood badan oo keentay inay duleeliso shabaqa, waxayna taasi sababtay in ciyaarta ay seddex daqiiqo hakad gasho.

Shaqaalaha garoonka San Sebastain ayaa dib u xirxiray shabaqa goolka ka hor inta aysan ciyaarta dib u bilaabanin.

Mbappe ayaa daqiiqadii 56aad u labeeyay kooxdiisa isagoo ku hogaamiyay guul 2-1 ah taasoo la micno ah inay ku soo baxeen wadar ahaan labada lug 4-1.

PSG ayaa haatan u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka ka dib markii ay si sahlan ku dhaaftay kooxda reer Spain.

Labada gool ee uu dhaliyay Mbappe ayaa ka dhigeysa inuu haatan dhaliyay 46 gool islamarkaana caawiye ka noqday 26 gool kale kaliya 68 kulan uu saftay Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*