Stamford Bridge Oo la Duduminayo & Chelsea Oo Bilaa Garoon Noqoneyso Sannado


Chelsea ayaa wajaheysa doorasho qarow ah oo ku aadan qorshahooda garoon cusub.

Madaxa Blues waxay aaminsan yihiin inay haystaan ​​laba doorasho oo keliya – inay lix sanno ku qaataan meel ka baxsan Stamford Bridge inta dib loo dayactirayo ama inay lacag badan geliyaan dhul cusub oo ay garoon cusub ka dhisaan.

Waxaana jira jahwareer sii kordhaya oo kooxda dhexdeeda ah madaama aan wax horumar ah laga sameynin qorshaha garoon cusub tan iyo markii ay milkiilayaasha cusub yimaadeen ku dhawaad labo sannadood ka hor.

Chelsea ayaa markii hore dooneysay inay garoon marba dhinac ka dayactirto sida Liverpool ay ku sameyneyso garoonka Anfield.

Bishii Oktoobar, waxaa milkiilaha cusub ee Chelsea laga iibiyay dhul ka soo horjeeda Stamford Bridge si garoon cusub looga dhiso iyadoo Chelsea ay dhulka ku iibsatay 80 milyan ginni.

Inkastoo heshiiska aan weli la dhameystirin hadana madaxda kooxda ayaa u aragta in garoon meel cusub laga dhiso inaysan shaqeyn kareynin.

Sidaasi darteed haddii Blues ay dooneyso inay sii deganaato goobta uu garoonkooda haatan ku yaala oo hooy u aheyd tan iyo 1905tii, waxay u baahan yihiin inay garoonka oo dhan ay dudumiyaan oo ay mid cusub ka dhisaan isla goobta.

Waxaa la qiyaasay in mashruucaas uu qaadanayo lix sannadood, taasoo kooxda ku qasbeysa inay garoon ku meel gaar ah kireysato sida garoonka Wembley.

Tottenham ayaa sidaas oo kale sameysay markii ay dudumiyeen garoonkoodii White Hart Lane iyagoo ka dul dhisay garoonka casriga ah ee maanta ay ku ciyaarayaan. Intii dhisamaha uu socday waxaa hooy u aheyd Wembley.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*