Bayern Munich Iyo PSG Oo Iska Xaadiriyey Wareegga SIDDEEDDA Champions League Xilli Ay Wacdaro Dhigeen Harry Kane & Kylian Mbappe


Kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaa noqday labadii naadi ee ugu horreeyey ee usoo gudba wareegga siddeedda tartanka Champions League, kaddib markii ay guulo waaweyn ka gaadheen Lazio iyo Real Sociedad.

Bayern Munich oo lugtii hore laga soo badiyey ayaa garoonkeeda Allianz Stadium waxay ku karbaashtay Lazio oo marti u ahayd waxaanay isku-darka labada lugood kusoo baxeen 3-1 iyadoo laba ka mid ah goolasha uu dhaliyey weeraryahanka reer England ee Harry Kane.

Ciyaartan oo ku bilaabatay dardar xooggan oo ay kusoo gashay kooxda Talyaaniga ee Lazio oo dhawr jeer sigtay goolka, ayaa waxa kooxda adkaanaysa ay soo baxday oo ay muuqatay markii uu Harry Kane hoggaanka u dhiibay kooxdiisa dhamaadka qaybta hore oo ay ka hadhsan tahay lix daqiiqadood markaas oo uu madax sii raaciyey kubbad uu soo tuuray Guerreiro.

Xiddiga reer England ee Eric Dier ayaa muujiyey in aanu ahayn ciyaartoy iska jooga kooxda oo kaliya difaaca ay shaqadiisu tahay, waxaana uu sabab u noqday goolka labaad ee kooxdiisa oo ahaa kubbad koorne ahayd oo ay soo tuurteen ciyaartoydiisu balse markii ay difaaca Lazio iska saareen uu darbad xooggan ku celiyey, taas oo uu madax ku-suuldaaray Thomas Muller, waxaana sidaas ay qaybta hore ugu soo dhamaatay 2-0.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Bayern Munich mar kale muujisay inay tahay libaax garoonkeeda loogu yimid, kana awood badan Lazio oo lugtii hore goolka kaga soo naxsatay.

Fursado badan oo ay khasaariyeen kaddib Harry Kane ayaa mar kale shabaqa soo taabtay isaga oo dhaliyey goolkiisii 33aad ee 33 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay kooxdiisa Bayern Munich ee uu xagaagii kaga soo biiray Tottenham.

Bayern Munich ayaa waxa ay sidaas ugu soo gudubtay wareegga siddeedda Champions League oo ay sugayso cidda ay ku dhacayso isku-aadka wareegga xiga.

Waxa kale oo wareegga siddeedda iska xaadirisay Paris Saint-Germain oo 2-1 kaga badisay Real Sociedad oo ay marti ugu ahayd waddanka Spain, taas oo lugtii hore ee ka dhacday magaalada Paris na ay kaga badiyeen 2-0.

Labada gool ee Paris Saint-Germain ayaa waxa dhaliyey Kylian Mbappe, halka goolka madiga ah ee Real Sociedad uu saxeexay Mikel Merino.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*