Phil Foden Oo Daboolka Ka Qaaday Qorshihiisa Real Madrid Iyo Xanta Suuqa Ku Jirta


Xiddiga reer England ee Phil Foden ayaa mar horeba shaaciyey dareenkiisa inuu ka tegayo kooxdiisa Manchester City oo uu u wareegayo Real Madrid oo lala xidhiidhinayo.

Foden oo boos joogto ah ka samaysay Manchester City intii uu dhaawaca ku maqnaa Kevin De Bruyne, ayaa noqday ciyaartoy lama-taabtaan ka ah safka kooxdiisa, isaga oo 40 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo xilli-ciyaareedkan uu saftay u dhaliyey 18 gool iyo 10 kale oo uu caawiye ka nqoday.

Wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in Real Madrid ay doonayso inay la saxeexato Phil Foden, isla markaana ka shaqayn doonto inay garoonka Santiago Bernabeu kula midayso Jude Bellingham.

Juni Calafat oo Real Madrid u qaabbilsan dhinaca suuqa, ayaa la sheegay in uu kula taliyey Florentino Perez in uu Phil Foden ka dhigo ciyaartoyga ku xiga Kylian Mbappe ee la keenayo Santiago Bernabeu.

Foden oo qandaraaskiisa Man City uu soconayo illaa sannadka 2027 ayaase hore uga hadlay haddii uu qorshaynayo inuu ka tago Man City oo uu u wareego Real Madrid, waxaana uu yidhi: “Haddii aan si daacad ah idiinla hadlo, anigu waxa aan isku arkaa ciyaartoy City ah.

“Mar walba waxa aan ka fikiraa in aan si adag u shaqeeyo oo aan ogaado, awooddaydana waan ogahay, kooxdaydana aan ku riixo in aan helo boos joogto ah iyo waqti badan. Sidaa daraadeed, waa in aan si adag u shaqeeyo, tababaruhuna kalsooni ayuu igu qabaa.|

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*