SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League – 2da Kooxood Ee Isla Dhimanaya, Murugada Man City Iyo Caydhinta Ten Hag


Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib natiijooyinkii usbuucan ay soo hooyeen Liverpool, Manchester City iyo Arsenal oo wali isku dheggan, isla markaana laba dhibcood oo kali ahi kala soocaan saddexdooda.

Gunners ayaa samaysay natiijada ugu weyn ee toddobaadkan, waxaana iyadoo marti ku ah Bramall Lane ay 6-0 kusoo garaacday Sheffield United oo ah kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League.

Supercomputer oo adeegsanaya qaaciidada xisaabeed ee BETSiE, ayaa waxa uu sameeyey saadaal la xidhiidha maxsuulka kulamada hadhay iyo sida uu ku dhamaan doono xilli-ciyaareedkan socda.

Qaaciidada xisaabeed ee BETSiE ee loo adeegsado khamaarka oo uu isticmaalay Supercomputer waxa ay sheegtay in Arsenal iyo Liverpool ay min 86 dhibcood ku dhamaysan doonaan xilli-ciyaareedka, laakiin farqiga goolasha ay koobka ku qaadi doonto Arsenal.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Manchester City ayaa uu Supercomputer saadaaliyey inay kufi doonto usbuucyada soo socda oo ay u dhici doonto kaalinta saddexaad, sidaasna lagaga horjoogsan doono in sannadkii afraad oo xidhiidh ah ay ku guuleystaan horyaalka.

Man City waxa ay laba dhibcood ka dambayn doontaa Arsenal iyo Liverpool waxaanay horyaalka ku dhamaysan doontaa 84 dhibcood.

Saadaashan oo haddii ay rumowdo ka dhignaan doonta in Arsenal ay horyaalka ku guuleysan doonto 20 sannadood kaddib, iyadoo ay ugu dambaysay sannadkii 2004 oo uu Arsene Wenger u qaaday.

Aston Villa ayaa xajisan doonta booska afraad sida ay saadaashani sheegayso, halka Tottenham ay noqon doonto kooxda shanaad ee Premier League oo waliba ay suurtogal tahay inay usoo gudubto tartanka Champions League ee la kordhinayo tirada kooxaha ka qayb-gelaya, halka Manchester United ay Europa League ciyaari doonto oo ay ku dhamaysan doonto booska lixaad.

Heerka labaad ayay u dhici doonaan kooxaha Sheffield United, Burnley iyo Luton Town.

Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer ee sida uu ku dhamaanayo horyaalka Premier League:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*