CAJIIB: Jeremie Frimpong Oo Ka Farxiyey Liverpool Ayaa Sharraxay Laba Sababood Oo Uu Xabi Alonso Ugu Soo Baxayo Liverpool


Jeremie Frimpong ayaa garabka saaray tababaraha kooxdiisa ee Xabi Alonso, waxaana uu si weyn u ammaanay awooddiisa tababarenimo isaga oo soo bandhigay arrimo ay warbaahinta Ingiriisku ku sifeeyeen inay farxad-gelinayaan Liverpool.

Jeremie Frimpong oo siddeed gool u dhaliyey Bayer Leverkusen, sidoo kalena caawiyey toddoba gool oo horyaalka Bundesliga ah ayaa waxa uu la dhacsan yahay taatikada iyo xeeladaha tababare Xabi Alonso ee sababta u noqday in kooxdaasi ay noqoto naadiga kaliya ee qaaradda Yurub oo dhan aan illaa hadda laga badinin.

Leverkusen oo toban dhibcood oo nadiif ah ku haysa hoggaanka horyaalka Bundesliga ayaa waxa kooxo badan ay u tartamayaan tababaraheeda Xabi Alonso, sida Liverpool iyo Bayern Munich.

Difaaca midig ee Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong oo wax laga weydiiyey tababare Xabi Alonso, ayaa yidhi: “Waxa uu usoo ciyaaray kooxo badan, waxa uu wax kasoo bartay tababareyaal waaweyn.

“Waxa uu ka hoos-ciyaaray Pep Guardiola, Carlo Ancelotti, Jose Mourinho iyo kuwo kale. Waxa uu ku sidkanaa tababareyaal waaweyn oo uu kasoo dhaxlay khibrad.

“Hadda isaga ayaa macluumaadka u gudbinaya ciyaartoyda Leverkusen, dhamaantayo waanu ku raaxaysanaynaa in aanu hoostiisa joogto. Run ahaantii waxa aanu ciyaarnaa kubbad cag, isaguna kalsooni buuxda ayuu ku qabaa ciyaartoydiisa.”

Frimpong oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa kud aray: “Marka aanu garoonka ku jirno, waxa uu nasiiyaa awood badan. Aniga iyo Alejandro Grimaldo waxa aanu haysanaa awoodo aanu weerar ku samayno oo aanu hore ugu soconno. Dabcan waxa aanu sidoo kale u baahanahay in aanu difaac samayno, laakiin waxa aanu haysanaa xorriyad.”

Waxa kale oo uu Frimpong sheegay in Xabi Alonso uu yahay tababare keeni kara xalal kala duwan inta ay ciyaartu socoto, isla markaana leh awoodo cajiib ah oo uu isbeddel ugu sameeyo ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*