Burco Oo Soo Afjartay Faankii Hargeysa, Dibna Usoo Ceshatay Haybaddeedii Ciyaaraha Ee Lagu Yaqaanay


Ciyaar xiiso leh ayaa maanta ka dhacday magaalada Berbera, halkaas oo ciyaartoyda Dawladda Hoose ee Hargeysa ay ku karbaasheen ciyaartoyda kooxda Asluubta oo ay ku garaaceen 3-0.

Ciyaartan oo ay kubaddu ka socotay dhinac kaliya oo u muuqatay in ay wada dheelayaan laba kooxood oo heerka koowaad iyo heerka saddexaad ah, ayaa waxa ay ku bilaabatay dardar ay garoonka lasoo galeen xiddigaha Dawladda Hoose ee Burco oo dib usoo celiyey sharaftii iyo haybaddii ciyaareed ee lagu yaqaanay magaalada Burco iyo gobolka Togdheer.

Daqiiqaddii 7aad ee ciyaarta ayaa laad xor ah oo loo dhigay Burco, waxa kubadda dhulka dhigtay Cabdillaahi Muuse oo kubbad gantaal ah ka dhax saaray ciyaartoyda Asluubta ee isku-dhigayey kubadda, waxaana uu ku hubsaday shabaqa.

Garoonka ayaa isla oogsaday oo uu ka bilowday dabbaal-deg khalkhal ku riday ciyaartoyda Asluubta ee safarka kasoo galay magaalada Hargeysa.

Ciyaartoyda Asluubta oo la moodayey in aanay diyaar u ahayn kulankan, ayaa waxa ay awoodi waayeen inay kubadda dhaafiyaan badhtamaha garoonka, waxaana la arkayey marar dhif ah oo ay kubadda gaadhsiinayaan xerada ganaaxa Dawladda Hoose ee Burco qaybta hore.

Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore, ayaa ay Burco xaqiijisatay in aanay cidina joojin karaynin oo ay koobka ula safri doonaan magaaladii ay ka yimaaddeen ee Burco, markaas oo uu gool labaad u dhaliyey Cabdiqaadir.

Masuuliyiin ay ku jiraan wasiirro iyo xildhibaanno ayaa qaarkood fadhiga ka kacay iyaga oo madaxa haysta markii ay Burco dhalisay goolka labaad, waxaana la arkayey Xinnif oo dabbaal-degaya iyo xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo madaxa la qabsaday niyad-jab maadaama uu taageersanaa ciyaartoyda Hargeysa, halka uu Xinnif watay ciyaartoyda Burco.

Garsooraha ciyaarta oo si deggenaan iyo masuuliyad leh ku maamulayey ciyaarta, ayaa ogolaaday in aanu qabannin qaladaadka yaryar oo haddii uu dhigi lahaa ay noqon lahayd inay mar walba ciyaartu joogsato.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan yihiin saddex daqiiqadood, ayaa kubbad laga dul-qaaday difaacyahannada ciyaartoyda Asluubta oo niyad-jabsanaa, isla markaana xaqiiqsaday in ay guul-darraysteen waxa xeerada ganaaxa la galay Shaakir oo ciyaarta ka dhigay 3-0 ay guushu ku raacday ciyaartoyda Dawladda Hoose ee Burco.

Sannadkii 2017 ayaa Burco ugu dambaysay inay wax koob ah ku guuleysato, waxaanay waqtigaas qaadeen koobka gobollada Somaliland, balse intii ka dambaysay ayaa ay ku hadhayeen wareegyada hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*