DEG-DEG: Erling Haaland Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Iyo Xiisaha Real Madrid


Xiddiga reer Norway ee Erling Haaland ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa, waxaana uu ka jawaabay wararka sheegaya in ay doonayso kooxda reer Spain ee Real Madrid, taas oo la sheegay in xagaaga soo socda ay diyaar u tahay inay bixiso 175 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa.

Erling Haaland oo la hadlay saxaafadda ka hor ciyaarta Champions League ee FC Copenhagen ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu sii joogo kooxdiisa, sidoo kalena uu la dhacsan yahay dadka ku xeeran sida maamulka sare iyo maamulka.

Isaga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa, Erling Haaland ayaa yidhi: “Anigu run ahaantii waxa aan ku faraxsanahay Man City, khaasatan dadka igu xeeran sida tababaraha, boodhka maamulka iyo agaasimeyaasha.

“Waxa aan hadda idiin sheegayaa waxa uu noqon doonaa cinwaan weyn, waxaanan idin leeyahay, waligaa ma ogaan kartid waxa dhacaya berri iyo mustaqbalka. Waad qoran kartaan tan, laakiin waa inaad qortaan waxa hore ee aan sheegay. Waxa aan ku faraxsanahay halkan Man City.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*