QIIMAYN: 10ka Ciyaartoy Ee Ingiriiska Ah Ee Ugu Wanaagsan Waqtigan Iyo Saamaynta Euro 2024


Tobanka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu wanaagsan waqtigan ayaa qiimayn lagu shaaciyey, iyadoo tababare Gareth Southgate laga caawinayo go’aamada xulashadiisa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Gareth Southgate oo ku jira daawashada kulamada horyaalka Premeir League ee kooxaha kala duwan ee ay ku badan yihiin ciyaartoyda uu qorshaynayo inuu kusoo daro liiska xulka qaranka dalkiisa ee Euro 2024, ayaa waxa caawisay qiimayn la sameeyey oo meel u dhigtay toban ciyaartoy oo marka horeba la isku raacsanaa in boosaskoodu diyaar yihiin.

England oo ay ugu dambaysay inay wax koob ah ku guuleystaan sannadkii 1966kii, ayaa waxa fursad fiican ay haysataa sannadkan iyagoo Euro 2020 yimid finalka oo ay finalka yimaaddeen, isla markaana ciyaartoydoodu khibrad badan heleen.

Qiimaynta la sameeyey, ayaa waxa ay muujisay in ciyaartoyga ugu fiican ee ay Ingiriisku haystaan uu yahay Harry Kane oo 31 gool u dhaliyey Bayern Munich xilli-ciyaareedkan socda, kaas oo waayo aragnimo kasoo helay inuu kasoo ciyaaray meel aan dalkiisa ahayn oo uu kasoo dheelay.

Waxa kaalinta labaad ku jira, oo ah ciyaartoyga labaad ee ugu wanaagsan ee ay Ingiriisku haystaan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham oo ah laacibka hoggaaminaya gool-dhalinta kooxdiisa Real Madrid.

Halkan kaga bogo tobanka ciyaartoy ee ugu wanaagsan Ingiriiska

10) Luke Shaw

9) Trent Alexander-Arnold

8) Jordan Pickford

7) Kyle Walker

6) John Stones

5) Bukayo Saka

4) Phil Foden

3) Declan Rice

2) Jude Bellingham

1) Harry Kane

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*