DEG-DEG: Labadii Halbowle Ee Barcelona Oo Oohin Kaga Baxay Garoonka


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayay ka dhaawacmeen laba ciyaartoy oo muhiim ah oo midkood baabuur lagu qaaday, halka midka kalena isaga oo ooyaya oo ilmada ceshan la’ uu ka baxay garoonka, isla markaana kursiga kaydka fadhiistay iyadoo dhabannadiisa ay ilmadu qoysay.

Barcelona ayaa waxa ay weyday qaybta hore ee ciyaarta Athletic Bilbao ee garoonka San Mames labada halbowle ee khadka dhexe ee Frenkie de Jong iyo Pedri oo sida muuqata ay dhaawacyadoodu halis yihiin.

Daqiiqaddii 24aad ayaa waxa dhulka ku dhacay Frenkie de Jong oo kuraanta uu dhaawac kasoo gaadhay, kaas oo xataa awoodi waayey inuu istaago, waxaana lagu qaaday baabuurta ciyaartoyda dhaawaca ah lagaga dhax qaado garoonka.

Xavi Hernandez ayaa beddelka Frenkie de Jong waxa uu keenay laacibka da’da yar ee Fermin Lopez oo garoonka soo galay daqiiqaddii 26aad, halka De Jong uu isaga oo ooyaya baabuurka yar ka saaray garoonka.

Daqiiqaddii 44aad ayaa waxa mar kale dhulka fadhiistay laacibka khadka dhexe ee Pedri oo jilibka wax ka noqday, kaas oo sida muuqata uu dhaawaciisu ka halis badnaanayo midka soo gaadhay De Jong, inkasta oo ay waqti hore tahay oo aanay dhakhaatiirtu warbixin kasoo saarin.

Pedri ayaa isaga oo luudaya garoonka ka baxay, waxaana uu qarinayey indhihiisa oo ay ilmadu ka qubanaysay. Markii uu kursiga kaydka fadhiistay ayaa uu Pedri sii watay oohinta, waxaana falanqeeyeyaasha ciyaaruhu ay sheegeen in dhaawaca Pedri uu halis yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*