Real Madrid Oo Qaadatay Tallaabo Ay Ku Badbaadinayso Jude Bellingham


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ku gaadhay inay ganaax ka badbaadiso xiddigeeda khadka dhexe ee Jude Bellingham oo casaan toos ah la siiyey markii ay dhamaatay ciyaartii khilaafku ka dhashay ee Real Madrid ay barbarraha 2-2 la gashay Valencia.

Jude Bellingham ayaa ka cadhooday gool uu dhaliyey oo iyadoo kubaddu kusii socota goolka oo hawada ku jirta uu garsooruhu dhameeyey ciyaarta.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa kusoo xoomay garsoore Gil Manzano iyaga oo ku doodaya in goolkoodu uu sharci ahaa balse uu isagu qalad sameeyey.

Jude Bellingham ayaa isaga oo cadhaysan markii uu garsooraha horyimid waxa uu ku yidhi: “Waxa uu ahaa f****** gool”, laakiin garsooraha ayaa markiiba jeebadda dambe gacanta geliyey oo kasoo saaray kaadh casaan toos ah oo uu siiyey laacibka reer England.

Carlo Ancelotti ayaa ku dooday in aanu Jude Bellingham aflagaaddaynin garsooraha, laakiin uu isagu si qaldan u fahmay kalmadihii uu isticmaalay oo uu moodayey inuu isaga caayayo.

Real Madrid ayaa go’aansatay in ay rafcaan ka qaadato kaadhka casaanka ah ee Jude Bellingham maadaama aanu garsooraha aflagaaddaynin, waxaanay ku kalsoon yihiin in uu laacibkani ka badbaadi doono ganaax laba ama saddex ciyaarood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*