SHANTII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey, Saddexdii Laacib Ee Sababta U Ahaa Ceebta Man United Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Man City & Man United


Phil Foden ayaa dhaliyey laba gool oo qaybtii labaad ah kulan ay Man City 3-1 ku xasuuqday Man United oo ay ku burburiyeen garoonka Etihad Stadium, taas oo iyadoo waqtiga dheeraadka ah uu bilowday uu Erling Haaland goolka saddexaad ku qalbi-jabiyey Red Devils.

Marcus Rashford ayaa hoggaanka u dhiibay Man United ciyaarta oo socota siddeed daqiiqadood, markaas oo uu dhaliyey darbad xooggan .

Erling Haaland ayaa khasaariyey fursado dahabi ahaa isaga oo goolka hortiisa ka helay kubbad, halka Phil Foden uu isaguna laba kubbadood oo uu ula tegay goolhaye Andre Onana uu khasaariyey.

Phil Foden ayaa labadiisa gool oo aad u qurux badnaa dhaliyey daqiiqadihii 56aad iyo 80aad, halka Erling Haaland uu daqiiqaddii 90+1 keenay goolka saddexaad.

Shantii rikoodh ee laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • Waxay ahayd ciyaartii ugu horreysay ee taariikhda ay Manchester City ka daba timaaddo oo ay guul ka gaadho Manchester United oo gool kala hormartay. 15 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo Manchester United ay gool kala hormartay ayaa ay guulo ka gaadhay Man City, laakiin maanta ayaa laga soo afjaray rikoodhkaas.
  • Manchester United ayay u ahayd markii koowaad ee ay guul-darraystaan iyagoo qaybta hore hoggaanka haya tan iyo September 2014, waqtigaas oo ay Leicester City kaga adkaatay 5-3. Waxa waqtigaas ay Leicester soo afjartay 143 ciyaarood oo United oo qaybta hore hoggaanka haysa aan laga badinin.
  • Man City ayaa 18 jeer toogatay goolka United qaybtii hore, waxaanay sidaas ku noqotay kooxdii ugu badnayd ee sidaa ku samaysa United tan iyo xilli-ciyaareedkii 2003-04.
  • Phil Foden waxa uu dhaliyey 18 gool oo dhamaan tartamada ah oo uu xilli-ciyaareedkan u saftay Man City. Waa xilli-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo dhaafay 16 gool oo uu dhaliyey xilli-ciyaareedkii 2020-21.
  • Manchester United saddex jeer oo kaliya ayay isku dayday inay toogato goolka Man City, waana tiradii ugu yarayd ee loo diiwaangeliyo tan iyo xilli-ciyaareedkii 2003-04, marka laga reebo ciyaartii Liverpool ee April 2022 oo ay laba jeer oo kaliya goolka toogteen.

Saddexdii ciyaarty ee ceebta uso jiiday Man United

Alejandro Garnacho iyo Scott McTominay ayaa noqday labadii ciyaartoy ee ugu liitay shaxdii kusoo bilaabatay garoonka. Waxa kale oo liiskooda soo galay oo ceebta la qaybsaday Sofyan Amrabat oo beddel kusoo galay laakiin noqday laacibka ugu liitay dhamaan kooxda.

Xiddigii garoonka

Phil Foden ayaa shaki la’aan ku noqday xiddigii ugu fiicnaa garonka, waxaana uu abaal-marinta ciyaarta ku garaacay Rodri oo ahaa ciyaartoyga labaad ee ugu qiimaynta sarreeyey.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Man City: Ederson (6), Walker (6), Stones (7), Dias (5), Ake (7), Rodri (8), De Bruyne (7), Bernardo (7), Foden (9), Doku (6), Haaland (6).

Beddelka: Alvarez (7), Bobb (n/a).

Manchester United: Onana (7), Dalot (6), Varane (7), Evans (6), Lindelof (6), Mainoo (6), Casemiro (6), McTominay (5), Fernandes (6), Rashford (7), Garnacho (5).

Beddelka: Kambwala (5), Antony (5), Amrabat (4), Forson (6).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*