Phil Foden Oo Burburiyey Manchester United Xilli Ay City Hal Dhibic Usoo Jirsatay Liverpool


Kooxda kuadda cagta Manchester City ayaa guul-darro xanuun badan u xambaarisay, isla markaana garoonka Etihad Stadium dhax jiid-jiidday Manchester United oo awoodi weyday inay xajisato gool ay la hormartay, waxaanay ku karbaasheen 3-1.

Phil Foden ayaa cad iyo fuud ka dhigay Manchester United oo ka dhaliyey laba gool oo qurux badan qaybtii labaad halka waqtigii dheeraadka ahaana uu Erling Haaland ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Sofyan Amrabat oo dhamaystiray goolka saddexaad oo uu si weyn ugu dabbaal-degay Pep Guardiola.

Ciyaartan oo 90kii daqiiqadoodba lagu dheelayey dhinaca Manchester United oo marar dhif ah ay kubaddu badhtamaha garoonka u dhaafaysay dhinaca goolka Man City, ayaa waxa ceeb intan ka badan ka badbaadiyey goolhaye Andre Onana oo laba kubbadood oo uu Phil Foden ula tegay qaybtii hore ka badbaadiyey, halka uu kubbado kale oo badanna ka joojiyey shabaqiisa.

Marcus Rashford ayaa kaga nixiyey Manchester City kubbad uu soo tuuray Andre Onana oo uu lugta u saaray Bruno Fernandes oo goolka kooxda kale agtiisa orod ku tegay, kaas oo isaguna usii taraarixiyey Rashford oo darbad xooggan ku dhamaystiray daqiiqaddii siddeedaad.

Manchester City oo u muuqanaysay inay ka cadhootay goolkan ayaa cadaadis badan saartay ciyaartoyda Man United, waxaanay ka ilaalisay kubadda, waxaanay ku qasabtay xiddigaha tababare Pep Guardiola inay noqdaan kuwo iska taag-taagan oo marba dhinac u daba ordaya xiddigaha City oo sida ay doonaan kubadda iskugu dhiibayey.

Phil Foden ayaa si ay ka noqotayba awoodi waayey inuu goolhaye Onana weydaariyo laba kubbadood oo uu ula tegay ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, waxaana ay labada kooxood galeen qolka labbiska iyadoo ay Man United hoggaanka ku hayso 0-1.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa waxa uu Pep Guardiola u tilmaamay ciyaartoydiisa halka ay sida ugu fudud uga dili karayaan Man United oo kaliya doonaysay inay difaac kuciyaarto.

Daqiiqaddii 56aad ayaa Phil Foden uu kubbad ka helay dhinaca midig, waxaana uu ula soo dhaqaaqay dhinaca badhtamaha garoonka oo laynka xerada ganaaxa dushiisa ah, kaddibna darbad xooggan ayuu ku toogtay goolka oo uu ku hubsaday shabaqa.

Goolkan ayaa waxa uu kala daadiyey ciyaartoyda Manchester United ee markii hore kusoo talo-galay inay difaaca adkaystaan mar haddii ay gool la hormareen.

Guardiola ayaa Foden u ogolaaday inuu helo xorriyad uu marba meesha uu doono ku tago garoonka, waxaanay taasi keentay inuu keeno gool labaad.

Kubbad ay dhinaca bidix iskugu dhiibeen Julian Alvarez ayuu Phil Foden orod kula soo galay xerada ganaaxa, waxaana uu la hortegay Onana oo uu dhinac ka dhigay.

Daqiiqaddii 90+1 ayaa kubbad loo dhiibay Sofyan Amrabat oo beddel kusoo galay uu ka xajisan waayey Rodri oo hortiisa taagnaa, waxaana uu usii dhiibay Erling Haaland oo isaguna ula tegay goolhaye Onana oo uu dhinac ka dhigay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Manchester City.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester City ay yeelatay 62 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka dambeeyaan Liverpool oo hoggaanka haysa oo ay Axadda toddobaadka soo socda ballansan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*