Phil Foden Oo Sharaxay Micnaha Ka Danbeeya Dabaaldigiisa Cusub


Macnaha ka dambeeya dabaaldegga Phil Foden ayaa shaaca laga qaaday.

Bishii la soo dhaafay, Foden ayaa soo bandhigay dabaaldegiisa cusub ka dib markii uu dhaliyay seddexley kulankii Manchester City ay 3-1 kaga badisay Brentford.

Goolkii uu dhaliyay ka dib, ninka Ingariiska ah ayaa gacmihiisa ku sameeyay tilmaam u eg qoriga, xilli uu jilba joogsaday cowska.

Gelinkii dambe ee Axaddii, Foden ayaa ahaa xiddiga ciyaarta ka dib labo gool oo uu ka dhaliyay Manchester United kulankii Manchester Derby.

Kadib goolashiisa, Foden waxa uu markale sameeyay dabaal daggiisii cusub. Foden ayaa sharraxay macnaha ka dambeeya.

Waxa uu yidhi: “Waa kaftan inaga dhaxeeya aniga iyo ciyaartoyda kooxda. Waxay yiraahdeen toogashadeyda ayaa badan marka aan tababarka ku ciyaareyno. Waxay iigu yeeraan toogte.”

Ka dib ciyaartii Manchester City, Kyle Walker oo ka hadlayay Phil Foden ayaa yiri:

“Waxaan ugu yeernaa Phil toogte sababtoo ah wuxuu jecel yahay inuu kubada darbeeyo. Marka uu ku soo galo oo aad aragto inuu cagta bidix kubada ku heysto, waxa uu leeyahay tayada uu ku dooran karo booska uu kubada ka dhigayo shabaqa. Goolashiisa waxa uu u dhaliyay si fantastik ah.

“Waan ku tiirsanahay isaga, waxaana u baahanahay ciyaartoy muhim ah sida isaga oo kale. Hadafkiisa wuu ka gaarayaa, mirihiisana wuu guranayaa haatan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*