Bayer Leverkusen Oo Hal Gacan Kusii Qabsatay Horyaalka Bundesliga Iyo Rikoodhka Layaabka Leh Ee Ay Sii Wataan


Kooxda kubadda cagta Bayer Liverkusen ayaa sii wadata rikoodhka guul-darro la’aanta ah ee ay xilli-ciyaareedkan oo dhan kusoo taamaysay, waxaana ay toban dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga kaddib markii ay 2-0 kaga takhalustay toban ciyaartoy oo Köln ah.

Labada gool ee Bayer Leverkusen oo ay kala dhaliyeen labada difaac ee dhinacyada ee Jeremie Frimpong iyo Alejandro Grimalho ayaa keenay guusha Bayer Leverkusen oo hal gacan kusii qabsanaysa horyaalka Bundesliga maadaama ay saddex ciyaarood oo isku xigta kuftay Bayern Munich oo hadda inay is-diibto kusii siqaysa.

Horyaalka Bundesliga oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin, ayaa waxa kooxda tababare Xabi Alonso oo aan halmarna laga badinin dhamaan tartamada xilli-ciyaareedka oo dhan, waxa hoggaanka u dhiibay Frimpong qaybtii hore, halka goolka labaadna uu keenay Grimalho qaybta labaad.

Daqiiqaddii 37aad ayay Leverkusen xaqiijisatay inay sii ahaan doonto kooxda aan la celin karaynin xilli-ciyaareedkan, waxaana goolka kowoaad u dhaliyey Fimpong.

Köln oo uu kala daadiyey casaan toos ah oo lagaga saaray weeraryahanka Jan Tielmann ciyaarta oo 14 daqiiqadood oo kaliya socota, ayaa waxa goolka labaadna ugu quus gooyey Grimalho daqiiqaddii 73aad.

Xabi Alonso ayay kooxdiisu haysataa 64 dhibcood, waxaanay toban dhibcood oo nadiif ah ka horreysaa Bayern Munich oo 54 dhibcood haysata oo barbarro gashay Sabtidii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*