Pep Guardiola Oo Magacaabay Xiddiga Manchester United Ee Uu Ka Walaacsan Yahay


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay hal ciyaartoy oo Manchester United ah oo uu ka walaacsan yahay, ka hor kulankooda maanta ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Manchester City oo 17kii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan laga badinin ayaa waxa ay doonaysaa inay mar kale maanta sii xaqiiqsato libin u dhoweysa Liverpool.

Erik ten Hag ayaa isagana kooxdiisu ay 19 dhibcood ka dambaysaa naadiga hoggaanka haya ee Liverpool, waxaana ay halgan u gelayaan sidii ay guul uga keeni lahaayeen Etihad Stadium, si ay ugu soo dhowaadaan kaalinta afraad oo u jirta 11 dhibcood.

Tababare Pep Guardiola oo la hadlayey saxaafadda ayaa waxa uu yidhi: “Khibradda aan ka dhaxlay kulamada noocan oo kale ah, waa in ay ciyaartoydaadu deggenaan badan muujiyaan, ku raaxaystaan kubadda oo aanay ka hadal waxyaabo badan.

“Kaliya waa in ay diiradda saaraan xeeladda ciyaareed oo ay sameeyaan wixii ay ku garaaci lahaayeen kooxda naga soo horjeedda, arrintu lama xidhiidho shucuurta, sababtoo ah shuruurtu way jiraysaa mar walba shaki la’aan.”

Mar la weydiiyey xiddiga Manchester United ee uu ka walaacsan yahay, waxa uu ku jawaabay: “Waa Bruno Fernandes oo ah ciyaartoy cajiib ah, gaar ahaan sida ay ciyaartiisu joogto u tahay kulan walba, iyo tartan kasta oo uu ku dagaallamo.

“In badan ayaan u qushuucaa isaga, waa wiil marka uu kubadda haysto ay waxyaabo dhici karayaan. Waxa uu sameeyaa laad xor ah oo dhinacyada ah, waxa uu xidhiidhiyaa ciyaartoyda dhinacyada ee Alejandro Garnacho iyo Marcus Rashford iyo dhamaan weerarka afka hore.

“Waxa aan odhan karaa, waa ciyaartoy dhab ahaantii muhiim u ah, waxaana ciyaartoy halis kugu abuuraya.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*