DEG-DEG: Koox Weyn Oo Usbuucan Shaqada Ka Caydhinaysa Tababaraheeda


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa go’aan cusub oo cimrigiisa Allianz Arena soo gaabinaya ka gaadhay tababaraheeda Thomas Tuchel oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay kooxdiisu wax guul ah gaadhin.

Bayern Munich ayaa hore u shaacisay in Thomas Tuchel uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedka, laakiin waxa soo baxaya in aanu xataa dhamaysan doonin xilli-ciyaareedkan socda oo la caydhin doono.

Tuchel oo loo magacaabay tababaraha Bayern Munich sannad ka hor oo ku beegnayd March 2023, ayaa waxa ay maamulka kooxdu go’aamiyeen in mustaqbalkiisu ku xidhnaado natiijada ciyaarta Lazio ee lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League.

Lugtii hore ee ka dhacday Talyaaniga ayaa waxa 1-0 ku adkaatay Lazio, waxaana haddii ay Munich guuleysan weydo ay si toos ah uga hadhi doontaa tartanka oo ay ka mid tahay kooxaha sida weyn loogu saadaalinayo.

Haddii Munich ay ka hadho tartanka Champions League, lama sugi doono inuu sii joogo inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, waxaana si degdeg ah looga caydhin doonaa shaqada.

Tuchel ayaa noqday tababaraha Chelsea 2021 waxaanu sannadkiisii koowaad u qaaday Champions League, isaga oo sidoo kalena ay FIFA ku maamuustay tababaraha sannadka ee The Best FIFA Football Coach, laakiin waxay isku dhaceen mulkiilaha cusub ee kooxda ee Todd Boehly, taas ayaana keentay in si lama filaan ah ay Blues u erido sannadkii 2022.

Bayern Munich oo u magacowday tababaraheeda March 2023, ayaa waxa uu ka caawiyey inay ku guuleystaan horyaalka Bundesliga iyagoo kulankii ugu dambeeyey ka faa’iidaystay barbarro ay gashay Borussia Dortmund oo hoggaanka haysay, waxaanay koobka ku qaadday Munich farqiga dhibcaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*