Dhaawacii Murugada Lahaa Ee Xalay – Xataa Sannadka Soo Socda Ma Ciyaari Doono


Ciyaartoydii dul istaagtay ayaa mid walba isaga oo madaxa haysto, afkana kala qaadayo uu dib uga soo cararay, waxaanay awoodi waayeen inay xataa indhaha kusii hayaan. Waxa uu ahaa dhaawac halis ah oo ay wararka hordhaca ahna sheegayaan in xataa sannadka dambe aanu awoodi doonin inuu ciyaaro.

Ciyaartii Real Madrid iyo Valencia ee Sabtidii, waxa ay ahayd mid murugooyin ku lammaan yihiin, waxaana ka sokow natiijada uu muranku ka dhashay ee laga yaabo inay galaafato garsoorihii ciyaarta, haddana uu qof walba oo garoonka ku sugnaa la murugooday dhaawacii halista ahaa ee soo gaadhay Diakhaby.

Laacibka reer France ayaa waxa ay isku dhaceen Aurelien Tchouameni oo lugtiisa oo dhulka taalla ku dul-dhacay, waxaana dhakhaatiirta oo gurmad u fidiyey ay in muddo ah la tacaalayeen xaaladdiisa ka hor intii aan naxash lagu qaadin.

Valencia ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in uu jilibka dhaawac xun kasoo gaahdya Diakhaby oo ay lugtuba dhinaca kale u wareegtay, waxaana la dhigay cusbitaal uu jiifayo inta xaaladdiisu kasoo raynayso.

Sida ay saxaafadda Spain saadaalinayso, waxa uu Diakhaby garoomada ka maqnaan doonaa muddo sannad ah amaba ka badan, waxaana suurtogal ah in xataa qaybta hore ee sannadka dambe ee 2025 aanu ciyaarin.

Saaxiibbadiisii dhowaa ee difaaca reer France ayaa markii ay arkeen dib usoo yaacay, sidoo kalena Joselu iyo Antonio Rudiger oo Real Madrid ah ayaa sidii ay uga falceliyeen ay warbaahintu ka sheekaynaysaa maanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*