FIFA Oo Meel Cad Ka Istaagtay Kaadhka Buluuga Ah Ee Kubada Cagta Lagu Soo Kordhinayo


Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa meesha ka saaray in la dhaqangelin doono kaadhka buluug ah ee loogu talo galay in 10 daqiiqo ciyaartoyda garoonka looga saaro, isagoo yiri: “Kaadh cas ayaa loo taagay kaadhkii buluuga ahaa.”

Xeer-dejiyeyaasha kubbadda cagta ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan tijaabada in ciyaartoyda gala qaladaadka qaar in si ku meel gaar ah loo ciqaabo, laakiin isticmaalka kaadh buluug ah ayaa gabi ahaanba meesha laga saaray.

Waxaa la fahamsan yahay in madaxda sare ee kubada cagta inay amakaak ku noqotay soo jeedinta ah in la isticmaalo kaadh buluug ah markii uu warkaan soo baxay bishii la soo dhaafay.

“Mowduucaan kaadhka buluuga ah dhankeena kamaba jiro” ayuu yiri madaxweynaha FIFA Infantino.

Qorshaha ciqaab ku meel gaar ah ayaa looga doodi doona kulanka xeerdejiyeyaasha kubada cagta, marka ay Scotland ku kulmaan maanta oo Sabti ah.

Si kastaba, Infantino wuxuu sheegay in qorshaha uusan ku jirin kaadh buluug ah.

“Fifa waxay gabi ahaanba ka soo horjeedaa kaadh buluug ah. Anigoo ah madaxweynaha FIFA kama warqabin arintaan, FIFA cod weyn ayay ku leedahay xeerdejiyeyaasha kubada cagta. Ma jirto sabab lagu ansixiyo kaadh buluug ah” ayuu yiri.

“Waa inaan si dhab ah u hadalno. Waan soo dhaweyneynaa fikrado cusub, fekrad walbana si ixtiraam leh ayaa loola dhaqmayaa.

“Laakiin waa inaan ilaalinayo dhaqanka kubada cagta. Kaadh buluug ah ma jiro.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*