Taageerayaasha kubada cagta ayaa ku dhaleeceeyay Rio Ferdinand shax isku dhaf ah uu ka soo saaray kooxaha Manchester United iyo Manchester City ee qarnigaan 21aad.
Ciyaartoyda uu ku soo daray shaxdiisa ee labada kooxood ayaa muran weyn ka dhalisay baraha bulshada gaar ahaa ciyaartoyda khadka dhexe.
Magacyo waa weyn ayaa dabcan shaxda isku dhafka ah ka soo muuqday oo ay ku jiraan Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo, Sergio Aguero, Nemanja Vidic iyo dabcan isaga oo Ferdinand ah.
Si kastaba, taageerayaasha ayaad aad uga careysnaa inuu Ferdinand ka tagay xiddigo waa weyn sida Erling Haaland, Paul Scholes iyo Roy Keane.
SHAXDA ISKU DHAFKA AH EE MAN CITY IYO MAN UNITED EE QARNIGAAN:
- Goolhaye. Edwin van der Sar
- Daafac midig. Kyle Walker
- Daafac dhexe: Rio Ferdinand
- Daafac dhexe: Nemanja Vidic
- Daafac bidix: Patrice Evra
- Khad dhexe: Rodri
- Khad dhexe: Kevin de Bruyne
- Khad dhexe: Yaya Toure
- Garab midig: Cristiano Ronaldo
- Weerar dhexe: Sergio Aguero
- Garab bidix: Wayne Rooney
“10 jir miyaa shaxdaan soo xulay” ayuu taageere careysan faalo uga bixiyay muuqaalka uu Ferdinand ku soo xushay shaxda isku dhafka ah ee Man United iyo Man City ee qarnigaan 21aad.
“Khadkaas dhexe ee wada Man City-ga ah waa ceeb weyn. Haddii aad qiimeyneyso 24kii sannadood ee ugu danbeysay waxaad u baahan tahay qof daawaday kubada waqtigaas oo dhan.”
Taageere kale ayaa yiri: “Keane kuma jiro, waa kaftan waxaas, waa ciyaaryahankii ugu saameynta badnaa taariikhda Premier League.”
Mid seddexaad aya yiri: “Guardiola waxa uu shaxdaan u soo xulan lahaa Paul Scholes taas ayaana ku cadeyneysa wax walba.”
“Taagere kale ayaa soo qoray: “Khadkaas dhexe waa mid aad u xun, oo ceeb ah.”
Be the first to comment