DEG-DEG: Liverpool vs Manchester United, Manchester City vs Newcastle – Isku-aadka wareegga FA Cup Oo La Shaaciyey


Isku-aadka wareegga siddeedda tartanka FA Cup ayaa lasoo saaray, waxaana isku dhacay kooxo waaweyn oo haddii ay soo guuleystaan kulamadooda caawa ay mar kale dib u bilaabmi doonto xafiiltankoodii garoomadu.

Labada kooxood ee ay cadaawaddaweyni ka dhaxayso ee Manchester United iyo Liverpool ayaa isku beegmay oo wada ciyaari doona haddii ay caawa kasoo kala adkaadaan kooxaha Southampton iyo Nottingham Forest oo ay la kala ciyaari doonaan.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doonta Liverpool, waxaana xaqiijinta isku-dhacooda ka hadhsan inta ay dhamaanayaan kulamadaay caawa la kala ciyaarayaan Nottingham Forest iyo Southampton.

Waxa kale oo isku dhacay labada kooxood ee iyagu xalay soo gudbay ee Manchester City iyo Newcastle United oo garoonka Etihad Stadium isku ballansaday maalinta Sabtida ee March 16, kuwaas oo ay midkood u gudbi doonto semi-finalka.

Chelsea iyo Leeds United oo caawada wada ciyaaraya, waxa midkooda soo gudba uu waajihi doonaa kooxda heerka labaad u dhacday ee Leicester City.

Wolves iyo Brighton ayaa midkooda soo gudba waxa ay is-waajihi doonaan Maidstone iyo Coventry City midkooda soo gudba.

Isku-aadka wareegga 8da FA Cup

  • Wolves/Brighton vs Coventry
  • Nottingham Forest/Manchester United vs Liverpool/Southampton
  • Chelsea/Leeds vs Leicester
  • Manchester City vs Newcastle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*