Xabi Alonso Oo Warka U Caddeeyey Liverpool, Bayern Munich Iyo Real Madrid


Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa ay cid walba dibnihiisa eegaysaa si loola socdo haddii ay kasoo baxaan kalmado muujinaya mustaqbalkiisa, sababtoo ah waxa doonaya kooxo waaweyn oo dhamaadka xilli-ciyaareedka tababare la’aan noqonaya.

Bayern Munich iyo Liverpool oo doonaya Xabi Alonso, maadaama ay tababareyaashooda Jarmalka ah ee Thomas Tuchel iyo Jurgen Klopp go’aan ku gaadheen inay ka tagaan kooxdan dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Halyeyga Bayern Munich ee Lothar Matthaus ayaa hore u sheegay, in Xabi Alonso uu doonayo inuu noqdo tababaraha Bayern Munich, Real Madrid ama Liverpool, laakiin waqtigan aanu midkoodna tegi doonin.

Matthaus oo helay xog la xidhiidha go’aanka Xabi Alonso, ayaa yidhi: “Riyadiisu waa in uu maalin uun tababare u noqdo Bayern, Liverpool ama Real Madrid, laakiin hadda waxay shaqo qabyo ah ka taallaa Leverkusen. Xabi ma aha qof ay jiitaan magacyada waaweyn, sababtoo ah waxa uu hore ugu soo guuleystay waxyaabo badan, waxaanu ahaa ciyaartoy weyn, mana aha qof ay lacagtu jiidato.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*