Sucuudiga Oo Iibsanaya SAGAAL Ciyaartoy Oo Ka Dheela Horyaalka Premier League Ah


Kooxaha hroyaalka waddanka Sucuudiga ayaa mar kale lacag badan gelin doona suuqa iibka ciyaartoyda marka la gaadho xagaaga soo socda, waxaana u calaamadsan xiddigo waaweyn oo ay doonayaan inay kusoo jiitaan indhaha adduunyada.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa noqon doona meesha ay kooxaha Sucuudigu ka doonanayaan ciyaartoyda ugu badan, waxaanay ku arkaan ciyaartooyo saamayn u yeelan karaya sida Cristiano Ronaldo oo kale.

Xagaagii 2023, kooxaha horyaalka waddanka Sucuudigu waxay kharash gareeyeen lacag ka badan £1.1 bilyan oo Gini, waxaana ciyaartoydii waqtigaas ay la saxeexdeen ka mid ahaa Karim Benzema, Neymar Jr, Sadio Mane, Riyad Mahrez iyo Cristiano Ronaldo oo isagu kasii horreeyey.

Mar kale ayay kooxaha Sucuudigu lacagta farraqi doonaan, waxaana ciyaartoyda u calaamadsan ka mid ah toddoba ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kuwaas oo ay hormood u yihiin Mohamed Laha, Kevin De Bruyne iyo Virgil van Dijk.

Liverpool iyo Manchester United ayaa ugu badan kooxaha ay ciyaartoyda ka doonayaan kooxaha horyaalka waddanka Sucuudigu, waxaana Liverpool ay awood dhaqaale kaga jiidanayaan difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk, goolhayaha Brazil ee Alisson Becker iyo garabka weerarka Masar ee Mohamed Salah.

Manchester United ayay sidoo kale ka doonayaan Bruno Fernandes, Raphael Varane iyo Casemiro oo lagu daray laacibka reer Brazil ee ay Man United ka iibisay Fulham ee Andreas Pereira. Sidoo kale, xiddigaha Manchester City ee Kevin De Bruyne iyo Bernardo Silva ayay kooxaha horyaalka Sucuudigu doonayaan inay la saxeexdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*