Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u gudubtay wareegga siddeedda tartanka FA Cup, kaddib markii ay guul 3-2 ka gaadhay Leeds United oo marti ugua hayd garoonka Stamford Bridge.
Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Jackson, Mudryk iyo Conor Gallagher ayaa Chelsea u diray wareegga siddeedda oo waqti horeba ay sii ogaadeen kooxda ay la dheeli doonaan.
Kooxda heerka labaad ee Leeds United ayaa gool kaga naxsatay Chelsea ciyaarta oo siddeed daqiiqadood oo kaliya socota, markaas oo ay Blues dareentay cadaadis badan oo ka imanayey xiddigaha orodka isticmaalayey ee Leeds United oo xilli-ciyaareedkii hore heerka labaad u dhacay.
Nicolas Jackson ayaa niaydda usoo celiyey Chelsea oo goolka barbarraha u keenay daqiiqaddii 15aad, markaas oo uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Raheem Sterling.
Daqiiqaddii 37aad ayay Chelsea la wareegtay hoggaanka ciyaarta, markaas oo uu gool uu culays badan iskaga dejiyey u dhaliyey xiddiga reer Ukraine ee waqtigu ku adag yahay ee Mudryk, hase yeeshee Leeds United ayaa keentay goolka barbarraha markii lagu soo noqday qaybta labaad.
Ciyaarta oo u muuqanaysay in lagu darayo waqti dheeraad ah oo ay barbarro ku dhamaanayso waqtiga caadiga ah, ayaa waxa Chelsea gool guusha u go’aamiyey u dhaliyey Conor Gallagher oo noqday hoggaamiyahooda dabiiciga ah ee waqtigan.
Chelsea ayaa wareegga siddeedda waxa ay la ciyaari doontaa Leicester City.
Be the first to comment