Waqtiga La Samaynayo Isku-aadka Wareegga SIDDEEDDA FA Cup Iyo Mucjisada Sannadkan La Diiwaangeliyey


Wareegga shanaad ee tartanka FA Cup ayaa toddobaadkan lasoo gabogabayn doonaa, iyadoo ay kala calaf qaadi doonaan 16 kooxood oo siddeed ka mid ah ay hadhi doonaan.

Kooxda heerarka hoose ee Maidstone United ayaa noqotay mucjisada sannadkan oo rajaynaysa inay soo gudbi doonto oo iyadoo marka horeba taariikh samaysay ay haddana wareegga siddeedda usoo gudubto.

Kooxdan oo uu tababare u yahay George Elokobi, ayaa ah kooxda ugu heerka hoosaysa ee ku jirta tartanka FA Cup, waxaanay waajahaysaa Coventry oo ah heerka labaad, halka iyaduna ay heerka lixaad tahay.

Manchester City oo ah kooxda difaacanaysa koobka, ayaa waxa ay safar ugu tegi doontaa Luton Town, halka Liverpool oo raadinaysa koobkeedii labaad ee xilli-ciyaareedkan ay qaabbili doonto Southampton, iyadoo Axaddiina ku guuleysatay koobka Carabao Cup.

Chelsea ayaa u baahan doonta inay kasoo kabato guul-darradii ay kala soo kulmeen Liverpool ee Wembley lagaga qaaday koobka, waxaana laga doonayaa inay kasoo adkaato Leeds United, si ay u badbaadsadaan rajada kaliya ee ay koob ugu guuleysan karayaan oo ah FA Cup, maadaama horyaalka aanay rajo ka lahayn, Carabao Cup laga qaaday, sidoo kalena aanu jirin tartan kale oo ay ku jiraan.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga siddeedda?

Isku-aadka wareegga siddeedda FA Cup waxa la samayn doonaa Arbacada toddobaadkan ee February 28. Kulamada wareegga siddeedda ama wareegga lixaad ayaa la ciyaari doonaa usbuuc-dhamaadka labada maalmood ee March 16 & 17.

Kulamada wareegga shanaad/16ka FA Cup

Isniin, February 26

  • Coventry City vs Maidstone United

Salaasa, February 27

  • Bournemouth vs Leicester City
  • Blackburn Rovers vs Newcastle United
  • Luton Town vs Manchester City

Arbaca, February 28

  • Wolves vs Brighton
  • Chelsea vs Leeds United
  • Nottingham Forest vs Manchester United
  • Liverpool vs Southampton

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*