Darwin Nunez iyo Dominik Szoboszlai Oo Ka Mid Noqday Toban Ciyaartoy Oo Liverpool Ah Oo Xayiraadda Laga Qaaday


Darwin Nunez iyo Dominik Szoboszlai ayaa laga qaaday xayiraaddii ay Liverpool ka saartay in ay taabtaan calaamadda kooxdaas, kaddib markii ay Reds ku guuleysatay koobka Carabao Cup oo ay Axaddii Chelsea ku garaaceen.

Virgil van Dijk ayaa daqiiqaddii 118aad u dhaliyey goolka guusha Liverpool, iyadoo ciyaarta oo ka dhacday garoonka Wembley Stadium ay 1-0 kaga badiyeen.

Liverpool waxay koobka ku guuleysatay iyadoo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin ciyaartoyda sida Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah iyo Dominik Szoboszlai.

Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu kusoo bilaabo Conor Bradley maadaama difaaca midig uu ka dhaawacan yahay Alexander-Arnold, Harvey Elliott oo 120kii daqiiqadoodba dhamaystay, halka xiddigaha kulliyadda ee Jayden Danns, James McConnel, Bobby Clark iyo Jarell Quansah ay iyaguna beddel kusoo galeen.

Kaddib markii ay Liverpool ku guuleysatay koobka, ciyaartooyo kooxda koowaad ah oo ay ku jiraan Darwin Nunez, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo, Alexis Mac Allister iyo kuwo kale oo aan hore loogu ogolayn inay taabtaan calaamadda Liverpool ee ku taalla albaabka garoonka Anfield ee ‘This Is Anfield’, ayaa hadda laga qaaday xayiraddaas.

‘This is Anfield’ waa qoraalka iyo calaamadda ugu dambaysa ee ay ciyaartoydu sii arkaan marka ay gelayaan garoonka ee ay ciyaartu bilaabmayso, waxaana jira dhaqan muddo dheer ay kooxdu ilaalinaysay oo ah in ciyaartoydeedu ay sii taabtaan, laakiin waxa loo diiday 10 laacib oo uu hormood u yahay Darwin Nunez.

50 sannadood ka hor ayaa calaamaddan lagu dhejiyey garoonka, waxaanay ahayd waqtigii tababare Bill Shakly, kaas oo markii uu sharraxayay sababta calaamaddan loogu dhejiyey yidhi: “Tani waxay xasuusinaysaa wiilashayada in aanu calaamaddan u ciyaarayno, kuwa naga soo horjeedana waxa ay xasuusinaysaa cidda ay yihiin kuwa ay la ciyaarayaan!”

Sannadkii 2016kii ayaa soo rogay dhaqan kale oo cashiib ahaa oo uu ciyaartoydiisa ugu diiday inay taabtaan calaamaddan, waxaana uu yidhi: “Waxa aan u sheegay ciyaartoyda in aanay taaanin calaamadda ‘This is Anfield’ illaa inta aanu koob ku guuleysanayno.

“Waa calaamad ixitraam, waxa aan taabtay markii aan tababaraha u ahaa Borussia Dortmund waxaana la nagaga badiyey 4-0.”

Liverpool kuma aanay guuleysanin wax koobab ah tan iyo sannadkii 2022 illaa laga soo gaadhayey shalay oo ay markanna koobka Carabao Cup ka qaadeen Liverpool, waxaana Jurgen Klopp uu hadda xayiraadda ka qaaday oo loo ogolaanayaa inuu calaamaddan taabto Darwin Nunez oo ay £85 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Benfica kaddib guushii Carabao Cup.

Ciyaartoyda kale ee mamnuuca ay ka ahayd inay taabtaan calaamaddan illaa inta ay koobab kooxda kula guuleysanayaan, balse hadda fasaxa u helay waxa ka mid ah Cody Gakpo iyo da’yarka Stefan Bajcetic. Sidoo kale, saxeexyadii cusbaa ee Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo, Ryan Gravenberch iyo Ben Doak ayaa fasax u haysan doona.

Waxa kale oo liiska ku biiray ciyaartoyda laga soo dallacsiiyey kulliyadda ee Jarell Quansah, Conor Bradley, Jayden Danns, James McConnel iyo Bobby Clark.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*