Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League Iyo Arsenal Oo Faraxsan


Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey sida uu ku dhamaan doono horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu markan ka farxiyey Arsenal oo uu ugu bushaareeyey inay ku guuleysan doonaan koobka.

Arsenal oo Sabtidii 4-1 ku xasuuqday Newcastle United, ayaa waxa ay cagta cagta u saartay Manchester City iyo Liverpool oo kaalmaha koowaad iyo labaad ku jira.

Gunners ayaa intii uu bilowday sannadkan cusub ee 2024, waxa ay dhalisay 25 gool, halka iyagana laga dhaliyey saddex gool oo kaliya, waxaanay muujinaysaa awood ah in xilli-ciyaareedkan ay dhaarsan tahay oo ay u dagaallami doonto horyaalka illaa dhamaadka.

Supercomputer oo adeegsanaya qaaciidada xisaabta ee BETSiE ayaa waxa uu saadaaliyey in Arsenal ay horyaalka ku guuleysan doonto, sababtoo ah maxsuulka kulamadii ay dheeleen oo noqday kuwo ka sarreeya naadiyada kale ee ay xafiiltamayaan.

Saadaasha Supercomputer ayaa waxa kale oo ay sheegtay, in Liverpool ay hoos usoo ridi doonaan dhaawacyada tirada badan, isla markaana ay booska labaad ku dhamaysan doonto halka Manchester City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Premier League ay markana kaalinta saddexaad ku dhamaysan doonto.

Laba dhibcood oo kaliya ayaa hadda kala sooca saddexda kooxood ee tartamaya ee Liverpool, Manchester City iyo Arsenal.

Aston Villa aya uu Supercomputer sheegay in ay u tartami doonto kaalinta afraad oo ay muddo dheer kaddib kasoo qayb-geli doonto tartanka Champions League, halka Tottenham ay ku dhamaysan doonto kaalinta shanaad iyo Manchester United oo aan awoodi doonin inay kasoo dallacdo booska ay hadda ku jirto ee kaalinta lixaad.

Kooxda tababare Mauricio Pochettino ee Chelsea ayaa murugadu ay kusii socon doontaa, laakiin waxay haddana awoodi doonaan inay soo galaan kaalinta toddobaad taas oo ah meel aad uga hoosaysa halkii lacag filayey koox laba sannadood gudahood kharash garaysay lacag ka badan 1 bilyan oo Gini.

Saddexda kooxood ee Sheffield United, Burnley iyo Luton Town ayaa uu Supercomputer u saadaaliyey inay u dhici doonaan heerka labaad.

Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer ee Premier League

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*