Jude Bellingham Oo Layaabay Wixii Uu Sameeyey Xiddig Liverpool Ah Finalkii Carabao Cup Ee Shalay


Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa la dhacay qaab-ciyaareedkii uu muujiyey xiddig ka tirsan Liverpool finalkii Carabao Cup ee Chelsea, kaas oo ay koobka kaga qaadeen 1-0, iyadoo goolkaasna uu daqiiqaddii 118aad madax ku dhaliyey Virgil van Dijk.

Blues oo lacag ka badan £1 bilyan oo Gini ku kharash garaysay ciyaartooyo cusub labadii sannadood ee u dambeeyey, ayaa ahayd kooxda fursadaha badan heshay 90kii daqiiqadood ee caadiga ahaa iyadoo Raheem Sterling uu u dhaliyey gool ay VAR ka diidday, halka sidoo kale Liverpool loo diiday gool uu madax ugu dhaliyey Van Dijk ka hor intii aanu goolka guusha keenin.

Tababaraha Liverpool ayaa ku qasbanaaday inuu ciyaartooyo da’yar ah ku dheelo qaybtii dambe markii uu ka dhaawacmay Ryan Gravenberch, waxaana uu la baxay xiddigaha muhiimka ah sida Cody Gakpo, Alexis Mac Allister, Andy Robertson iyo Luis Diaz, maadaama ay ciyaaro muhiim ah oo horyaalka Premier League ah kusoo aaddan yihiin.

Van Dijk ayaa noqday xiddigii garoonka maadaama uu dhaliyey labada gool ee kooxdiisa ee midna la diiday, midna la ogolaaday ee guusha horseeday, waxaana markii ay ciyaartu dhamaatay ammaan kula dul-dhacay xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham.

Sawir uu dabbaal-degayo oo uu koobkana sare u hayo oo uu Van Dijk soo dhigay bartiisa Instagram, ayaa waxa comment ka bixiyey Jude Bellingham oo yidhi: “Alla muxuu ciyaartoy yahay.”

Si kastaba ha ahaatee, tababare Jurgen Klopp ayaa isagu ammaanay khadka dhexe ee reer Japan ee Wataru Endo, waxaanu ku sheegay ciyaartoygii ka yaabiyey intii ay ciyaartu socotay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*