Manchester City Oo Hal Dhibic Usoo Jirsatay Liverpool Kaddib Guul Cidhiidhi Ah Oo Ay Kasoo Gaadhay Bournemouth


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul 1-0 ah kasoo gaadhay Bournemouth oo ay ku booqatay Kings Park, waxaanay hal dhibic usoo jirsatay Liverpool oo haysa hoggaanka horyaalka Premier League.

Manchester City oo u dagaallamaysa in sannadkii afraad oo xidhiidh ah ay ku guuleysato horyaalka Premier League ayaa libin ay ku rafaadday kala soo noqotay kooxda Bournemouth oo iska khasaarisay fursado badan oo goolal noqon karayey.

Gool madi ah oo qaybtii hore uu dhaliyey Phil Foden ayaa Manchester City siiyey saddex dhibcood oo muhiim u ah loollanka ay ugu jiraan inay mar kale difaacdaan horyaalka Premier League.

Manchester City oo ku sarraysay gacan ku haynta kubadda ayaa waxa ay goolka toogatay lix jeer oo mar kaliya ay shabaqa gaadhay, halka Bournemouth shan jeer oo ay goolka toogatay ay awoodi waayeen inay shabaqa gaadhaan.

Daqiiqaddii 24aad ee ciyaarta ayaa kubbad uu Erling Haaland ka helay xerada ganaaxa waxa uu ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jira, hase yeeshee waxa iska soo celiyey goolhaye Neto waxa helay Phil Foden oo goolka oo cidlo ah ku hubsaday shabaqa.

Manchester City ayaa halis badan gashay qaybtii dambe ee ciyaarta, waxaase la baxsaday goolhaye Ederson oo fursado badan ka badbaadiyey.

Kubbad madax ah ayaa waxa goolka kasoo dhax-qabtay Ederson, sidoo kalena waxa uu nasiibku diiday Dominik Solanke oo dhawr jeer kubadda ku tootay.

Goolka uu Phil Foden dhaliyey ayaa noqday midka kala saaray labada kooxood ee libinta go’aamiyey, waxaana ay natiijadani caawisay Manchester City oo yeelatay 59 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka dambaysaa Liverpool oo hoggaanka ku haysa 60 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*