SADDEXDII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey, Laacibkii Sababta U Ahaa Guul-darrada Man United, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartii Man United vs Fulham


Fulham ayaa 2-1 ku garaacday Manchester United waxaanay u xambaarisay guul-darradii koowaad ee sannadkan 2024 oo Red Devils aan marnaba hore looga soo adkaanin, iyadoo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah u guuleysanayey.

Gool uu waqtigii dheeraadka ahaa Fulham u dhaliyey Alex Iwobi ayaa sababay guul-darrada soo gaadhay Red Devils, waxaana si weyn looga dareemayay Red Devils maqnaanshaha Rasmus Hojlund oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey toddoba gool u dhaliyey, balse dhaawac ku maqnaanaya laba illaa saddex toddobaad.

Calvin Bassey ayaa goolka koowaad u dhaliyey Fulham daqiiqaddii 65aad, laakiin Harry Maguire ayaa Red Devils u keenay goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay daqiiqad kali ahi ka hadhsan tahay, hase yeeshee Alex Iwobi ayaa noqday geesiga Fulham ee keenay goolka guusha.

Saddexdii rikoodh ee laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • Goolkii Alex Iwobi ee guusha siiyey Fulham oo dhashay daqiiqaddii 96:04, waxa uu noqday midkii ugu dambeeyey ama ugu raagista badnaa ee Man United laga dhaliyo horyaalka Premier League tan iyo xilli-ciyaareedkii 2006-07,
  • Manchester United ayay u ahayd guul-darradii siddeedaad ee xilli-ciyaareedkan loogu xambaariyo garoonkeeda Old Trafford dhamaan tartamada. Waa markii ugu badnayd ee tiro intaas le’eg lagaga badiyo tan iyo xilli-ciyaareedkii 2020-21 oo isna siddeed jeer lagu garaacay, balse waxay ku siqayaan rikoodhkii 1973-74kii oo 9 ciyaarood lagaga badiyey Old Trafford.
  • Andreas Pereira ayaa shan fursadood abuuray ciyaartay, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu badnaa ee Fulham ah ee fursado intaas le’eg ku abuura Man United oo joogta garoonkeeda tan iyo August 2006 oo uu Luis Boa Morte shan fursadood abuuray.

Ciyaartoygii sababta u ahaa guul-darrada Man United

Difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa noqday ciyaartoygii ugu liitay guud ahaan ciyaaryahannada Manchester United, waxaana uu helay qiimayntii ugu liidatay. Varane ayaan qabsanin shaqadii difaaca ee laga sugayey, sidoo kalena saamayn kale kuma aanu lahayn ciyaarta.

Xiddigii garoonka

Alex Iwobi oo Fulham u dhaliyey goolka guusha ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, isaga oo helay qiimaynta ugu sarreysa isku-darka ciyaartoyda labada kooxood, balse waxay isku mid ahaayeen Muniz oo kooxdiisa ah oo uu ku dhaafay goolka uu dhaliyey.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Manchester United: Onana (6), Dalot (6), Varane (5), Maguire (6), Lindelof (6), Mainoo (6), Casemiro (6), Forson (6), Fernandes (6), Garnacho (7), Rashford (6).

Beddelka: Eriksen (6), McTominay (6), Diallo (6), Antony (n/a).

Fulham: Leno (7), Castagne (6), Tosin (7), Bassey (7), Robinson (6), Reed (6), Lukic (6), Wilson (6), Pereira (7), Iwobi (8), Muniz (8).

Beddelka: Cairney (7), Traore (7), Diop (n/a).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*