Barcelona Oo Xasuuq Ay U Geysatay Getafe Ugu Soo Dhowaatay Real Madrid


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo yaraysay farqiga dhibcaha ay Real Madrid ka horreyso oo ay ka dhigtay shan kaddib markii ay galabta 4-0 ku xasuuqeen Getafe oo marti u ahayd.

Kooxda tababare Xavi Hernandez oo ku jirta xilli-ciyaareed adag, ayaa muujisay awood ay waqti horeba ku muuqnisay naadiga martida u ahaa, iyadoo afarta gool ay qaybsadeen afar ciyaartoy oo kala duwan.

Barcelona oo yeelatay 57 dhibcood ayaa waxay si ku-meelgaadh ah ula wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga, waxaanay hal dhibic dhaaftay Girona oo aan wali ciyaarin, halka Real Madrid oo 62 dhibcood haysatana ay ku ducaysanayaan in loo qabto ciyaarta Sevilla ee Axadda si ay ugu soo noolaato rajadoodii ahayd inay ku tartamaan horyaalka.

Raphinha ayaa Barcelona u noqday aftax wanaagsan kaddib markii uu qaybta hore u dhaliyey gool uu kubadda dhinaca midig kala soo galay, isaga oo orod kaga soo dheereeyey difaacyahannada oo Jules Kounde uu kubadda u dhaafiyey, waxaana uu dhinac ka dhigay goolhaye David Soria oo aan helin fursad uu ku badbaadiyo goolkan.

Frenkie de Jong iyo Ter Stegen ayaa badbaadiyey laba kubbadood oo halis ahaa oo ay Getafe u dhowaatay inay dhaliso ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Barcelona ayaa qaybtii dambena muujisay in ay ka awood badan tahay Getafe oo ka liidatay dhamaystirka kubbadaha, waxaana siddeed daqiiqadood markii socotay qaybta labaad goolka labaad u keenay Barcelona xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo soo afjaray abaar goolal la’aan ah oo muddo haysatay.

Daqiiqaddii 61aad ayay Barcelona sii dheeraysatay hoggaanka, waxaana gool saddexaad u dhaliyey Frenkie De Jong oo si adag uga shaqaynayay khadka dhexe, halka waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartana uu Fermin Lopez keenay goolka afraad ee Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*