Manchester United Oo Lagu Garaacay Garoonkeeda Iyo Fursaddii Booska Kaalinta 4aad Oo God Ku Dhacday


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darro 2-1 ah waxa garoonka Old Trafford ugu xambaarisay Fulham oo marti u ahayd, iyadoo daqiiqadihii ugu dambeeyey laba gool ay iskugu jawaabeen labada kooxood.

Laba gool oo ay ka dhaliyeen xiddigaha reer Nigeria ee Bassey iyo Iwobi ayaa sababay guul-darro qadhaadh oo Manchester United soo gaadhay, iyadoo ay soo afjarmeedn lix ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo ay Red Devils guul-darro la’aan ahayd.

United oo haysatay fursad ay kaalinta shanaad ugu qabsan karto Tottenham, isla markaana ugu soo dhowaan karayso Aston Villa, ayaa hadda ay fursaddeedii afarta sare ay haadaan ka dhacday, waxaana ay siddeed dhibcood ka dambeeyaan Aston Villa oo wacdaro ka dhigaysa horyaalka Premier League.

Ciyaartan oo qaybtii hore ay ku dhamaatay barbarro goolal la’aan ah, ayay fursado badan iska lumiyeen labada naadiba 45kii daqiiqadood ee hore, waxaana Red Devils ay jamaahiirteedu rumaysan kari waayeen sida uu Harry Maguire goolka ula seegay kubbad uu ka helay xerada ganaaxa oo uu birta dul-mariyey.

Kooxda martida ee Fulham ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 65aad, markaas oo uu difaaca reer Nigeria ee Calvin Bassey uu dhaliyey gool qalbi jab ku riday Manchester United oo waxyar ka hor la murugootay dhaawac soo gaadhay kubbad-burburiyaha Brazil ee Casemiro.

Man United ayaa weerarro badan ku qaadday goolka Fulham markii laga dhaliyey goolka, waxaana ugu dambayntii ay xaqiijisteen inay shabaqa soo taabtaan daqiiqaddii 89aad, markaas oo uu Harry Maguire dhamaystiray kubbad uu markii horeba qayb weyn kasoo qaatay keenista xerada ganaaxa.

Sagaal daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta ayaa noqday kuwa ay Manchester United eedday, laakiin waxa sii dilay in Scott McTominay uu shabaqa la seegay kubbad uu lasoo galay xerada ganaaxa oo uu darbad xooggan ku toogtay laakiin uu goolka hormariyey.

Bruno Fernandes ayaa faraha caseeyey goolhaye Bernd Leno oo badbaado badan sameeyey intii ay ciyaartu socotay, balse xiddiga reer Portugal ayaa ay u fiicnaan lahayd inuu kubadda u dhiibo ciyaartoyda kale oo aanu ku tooganin goolka maadaama waqtigii dheeraadka ahaa lagu jiray.

Daqiiqaddii 90+7 ayey Fulham keentay goolka labaad oo ahaa weerar rogaal-celis ah, waxaana kubbad uu meel fog kasoo jiiday Adama Traore uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Alex Iwobi oo isaguna ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jiray, waxaana sidaas 2-1 ay guushu ugu raacday Fulham.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay ku negaadday kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League oo ay ku haysato 44 dhibcood, waxaanay siddeed dhibcood ka dambeeyaan Aston Villa oo maanta 4-2 ku karbaashtay Nottingham Forest, isla markaana yeelatay 52 dhibcood, halka Tottenham oo hadda haysata 47 dhibcood ay tegi doonto 50 dhibcood haddii ay guuleysato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*