TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Da’yarta Ah Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La Shaaciyey


Tobanka ciyaartoy ee da’yarta ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad ku jira Jude Bellingham oo khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid iyo xulka England, isla markaana isku muujiyey waqti kooban oo uu joogay Santiago Bernabeu.

Bellingham oo xagaagii 2023 ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund, ayaa waxa ay da’diisu tahay 20 sannadood, laakiin awooddiisa ciyaareed ee qaan-gaadhka ah ayaa waxa ay ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan waqtigan.

Qiimayn ay samaysay FM24, ayaa waxa ay Bellingham ka dhigtay ciyaartoyga ugu wanaagsan ee ay da’diisu tahay 20 jir ama ka hoosayso, iyadoo 16 jeer oo uu isku dayey inuu sameeyo goysmo uu dhamaystiray 15 ka mid ah.

FM24 oo si aad ah loogu yaqaano ciyaar-gacmeedka, ayaa waxa Jude Bellingham ku xiga da’yarka Tottenham uga ciyaara garabka bidix ee Mikey Moore oo kaliya 16 sannadood jira, halka da’yarka Manchester United ee 16 jirka ah ee Shea Lecy uu isaguna ku jiro saddexaad.

Halkan kaga bogo qiimaynta FM24:

No. Magac Kooxda Da’da Booska uu ka ciyaaro
1 Jude Bellingham Real Madrid 20 Khadka Dhexe
2 Mikey Moore Tottenham Hotspur 16 Garabka bidix
3 Shea Lacey Manchester United 16 Garabka midig
4 Harvey Elliott Liverpool 20 Khadka Dhexe
5 Alex Scott Bournemouth 20 Khadka Dhexe
6 Archie Gray Leeds 17 Khadka Dhexe
7 Rico Lewis Manchester City 19 Difaaca midig
8 Samuel Iling-Junior Juventus 20 Garabka bidix
9 Tino Livramento Newcastle 21 Difaaca midig
10 Levi Colwill Chelsea 20 Difaaca dhexe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*